Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya oo ka Hadashay Shirkii Arimaha xajka oo La Soo Gabo-gabeeyey

Muqdisho – (warsoor) – Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta ayaa maanta magaalada muqdisho ku qabatay kulan lagu soo gunaanudayay howlihii xajkii 1440/2019.

Kulankan ayaa waxaa lagu martiqaaday dhammaan shirkadihii & guddiyadii ka soo shaqeeyay xajkii sanadkii hore.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda mudane Cismaan Adam Dhuubow ayaa kulankan ku dhiirigeliyay shirkadaha u soo shaqeeyay xujayda Soomaaliyeed isaga oo aad u bogaadiyay hanaankii ay u guteen u adeegidda xujayda soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale aad u ammaanay kaalintii lama ilaawaanka ahayd ay ku lahaayeen xubnihii bicsada ee wasaaradda.

Waxaa ay wasaaradda ku soo bandhigtay kulanka paasboorada xujaydii ku geeriyootay xajkii 1440/2019 oo noqnaysa 30 sano ka dib in markii ugu horraysay ay dowladda Soomaaliyeed gacanta ku hayso xogta xujayda ku geeriyootay xajka.

Ugu damabayn, waxaa kulankan shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay xubnihii & shirkadihii u soo adeegay xujayda Soomaaliyeed xajkii iyo qaar ka mid ah shaqalaha wasaarada
kashaqeyay sanadka 1440/2019.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.