Wasaaradda Arimaha Dibadda oo Beenisay Inuu Iscasilay Wasiir Sacad

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda Arimaha Somaliland ayaa beenisay in wasiir Sacad Cali Shire oo uu iska casilay xilka wasaaradda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradaas.

Warbaahinta ayaa isla dhex maraysay in wasiirka wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland uu iscasilaayey, qaarkoodna ay sheegeen inuu qorshaynaayo in uu is casilo.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay wasaaradda ayaa u dhignaa sidan:

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay beeninaysaa in aanay waxba ka jirin is-casilaada la sheegay in uu is-casilaayo wasiir Sacad Cali Shire, oo maalmihii u danbeeyey ay warbaahintu aad u hadal haysay.

Sidaas darteed, warkaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn”, sidaasi waxaa war-saxaafadeedka ku yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.