Wasaaradaa Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka JSL oo Bilowday Hubinta liisamada iyo Badqabka gaadiid

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka JSL, oo kaashanaysa Ciidanka nabad-galda wadooyinka, ayaa maanta gobollada dalka ka bilowday hubinta gaadiidka, liisamada iyo Badqabka gaadiid ee BBG iyo xaddidaada xawaaraha.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo H. Jidadka Md. Axmed Abokor Maxamed, oo ay weheliyaan saraakiisha ciidanka nabadgalyada wadooyinka, iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda, ayaa soo kormeeray Kaantaroollada caasidammada Hargeysa, halkaas oo lagu hubinayo baabaarta u baxaya gobollada kalee dalka.