Wasaarada Waxbarashad Somaliland oo Ku Dhawaaqday Natiijada Imtaxaanaadka Dugsiga Sare & Dhexe

Hargeysa – (warsoor) – Xafiiska imtixaanaadka qaranka JSL Somaliland ayaa maanta si u shaaciyey natiijada kama danbaysta ah ee imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2020-2021 ee fasallada 8-aad ee dugsiga dhexe iyo fasallada 4-aad ee dugsiga sare.

Munaasibadan oo lagu qabtay xarunta guud ee xafiiska imtixaanaadka qaranka ee caasimada Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb-galay agaasimaha guud ee WW&S Axmed Abokor Maxamed, wasiir kuxigeenka WW&S Dr.Cabdixakiim Siciid Muuse, saraakiil ka tirsan xafiiska imtixaanaadka qaranka, isku duwayaasha gobolada dalka, qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada iyo masuuliyiin kale oo aad u tiro badan.

Ugu horeyn, guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa ka war bixiyey imtixaankaa iyo sida uu ku soo dhammaaday.

Agaasimaha guud ee WW&S Axmed Abokor Maxamed ayaa sidoo kale bogaadiyey goboladii ay yarayd ardeyda ka dhacday. Waxaanu ku bogaadiyey in ay dedaalka halkaa ka sii wadaan.

Ugu danbayn, wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Dr.C/xakiim Siciid Muuse ayaa hambalayo iyo bogaadin u diray guud ahaan ardeydii maanta ku guulaysatay imtixaanlaa natikjadiisa la soo saaray.

Sidoo kale, waxa uu ardeyda aan imtixaankan gudbina u soo jeediyey in aanay halkaa ku niyad jabin ee ay mar labaad dedaal sameeyaan si ay guusha u gaadhaan.