Wasaarada Nabadaynta Gobolada Bari oo Ugu Baaqday Beelaha Shaqaaqooyinku Dhexmarayaan Sool Inay Kusoo Noqdaan Gogoshii Nabadeed

Hargaysa – (warsoor ) – Wasaarada nabadaynta iyo horumarinta gobolada barri ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa siyaasadii nabadaynta iyo horumarinta goboladaas ee ay ugu igmanayd xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne axmed maxamed maxamuud siilaanyo waxbadan ka qabatay iyadoo wasaaradu hawlaha nabadaynta beelaha iyo dardargelinteeda door wanaagsan ka ciyaartay taasoo la kaashi kala samaynaysay bulshada deegaamadaas.

Shaqaaqooyinka beelaha ee soo noqnoqda ee gobolka Sool ayay wasaarada nabadayntu si wayn uga hawlgashay iyadoo ku guulaysatay inay xalkii loo baahna in beelahaas lagu nabadeeyo ay wasaaradu keentay fulisayna balse hawlaha maamul hoosaad ee gobolka iyo wasaarada arrimaha guduhu ay ahayd in amni ahaan nabadaas la xidhay ay gacan ku qabtaan.

Wasiiru dawlaha wasaarada nabadaynta iyo horumarinta Gobolada barri Cabdirashiid Xuseen Carab Gargaar ayaa si wayn u joogteeyay shirarka nabadaynta beelaha iyo xal u raadinta sababaha keena colaadaha beelaha isagoo bulshada qaybeheeda kala duwan waxgarad,dhalinyaro iyo haweenba hawshaas la kaashanayay.

Wasaarada iyo masuuliyiinteedu waxay soo abaabuleen shirar nabadeed oo wax lagaga qabanayo colaada beelaha koonfurta Sool taasoo xukuumada iyo wasaaraduba ay isku garabsanayeen kana wada shaqaynayeen masuuliyiin xukuumada ka tirsan ay uga qaybgaleen magaalada Laascaanood shirar nabadaas lagu raadinayo xal muuqdana laga gaadhay marka laga reebo shaqaaqooyin danbe oo dhacay sababo sugida amnigii loo baahna ah taasoo maamulka gobolku uu lahaa.

Doorka muuqda ee nabadgelyada iyo isdhexgalka bulshada Somaliland guud ahaan gaar ahaana bulshada gobolada barri waa siyaasada wasaarada nabadaynta iyo horumarinta gobolada barri iyadoo shaqada sugida amniga ee shaqaaqada keenayana uu yahay maamulka Gobolka ee wasaaradaha iyo wasaarada arrimaha gudaha.

Dadka nabadgelyada iyo amniga dadka iyo dalka caqabada ku ah ayaa markasta ku hawlan sidii ay shaqaaqooyin u abuurilahaayeen kuwaasoo waqtigan ku hawlan ee dhankii loo baahna ayna uga hawlgelin shaqaaqada iyo colaada beelaha koonfurta Sool kuwaasoo dawladu ogtahay.

Bulshada magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba gobolka Sool ayaa si wayn u dhaliilsan dadka doorkii ay colaadaas ku lahaayeen ee waxkaqabasheeda ka doorbida dhaliil iyo dano gaara iyadoo markasta kuwa nabada jecel ay badanyihiin xukuumaduna ay ogtahay,

Wasaarada nabadaynta iyo horumarinta gobolada barri ayaa shirar lagu xoojinayo nabadgelyada ku qabatay deegaamada gobolka Sool taasoo ay bulshada uga qaybgelinaysay ka shaqaynta nabada iyo sida muhiimka ugu tahay nabadgelyadu beelaha iyo qarankanba.

Isla todobaadkan waxay wasaaradu ku qabatay magaalada Hargeysa shir ay u qabatay dhalinyarrada deegaamada gobolada Sool Sanaag Barri Xaysimo iyo Buuhoodle kaasoo ay kasoo qaybgaleen dhalinyaro aad u tiro badan lagagana hadlayay nabadgelyada, xoojinta isdhexgalka iyo sidii dhalinyarrada oo ah inta ugu badan ee bulshadu ay uga shaqaynlahaayeen nabadaynta beelaha iyo sidii shaqaaqooyinka taagan ay doorkooda uga qaadanlahaayeen iyagoo kaashanaya wasaaradaha nabadaynta iyo horumarinta gobolada barri.

Wasiir Gargaar wasiiru dawlaha nabadaynta iyo horumarinta gobolada oo dhawaan la hadlayay saxaafada ayaa ugu baaqay beelaha shaqaaqadu u dhaxayso ee koonfurta gobolka Sool inay kusoonoqdaan gogoshii nabadeed ee xukuumadu horey iskugu keentay isla markaana u hogaal gonsamaan dadaalada nabadeed ee xukuumadu iyadoo shaqaaqooyin dhacay oo colaada beelahaas sii hurinayay uu ka yimi maamulka gobolka oo amni ahaan u xilsaarna inuu nabadaas la xidhay sii xoojiyo.

Sidoo kale wasiirku wuxuu si wayn u bogaadiyay wadahadalada xukuumada Somaliland kula jirto Khaatumo oo ku tilmaamay talaabo horrusocoda waxwayna ka tarridoonta nabadgelyada goboladaas iyo dawlad wanaaga xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Siilaanyo ay dalka ka hirgelisay mudadii uu dalka hogaaminayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.