Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo wacdi diiniya u Jeediyay Ciidanka Dab-deimiska Caasimada Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo wacdi diiniya u qabtay Ciidanka Dab-deimiska Caasimada Hargeysa.waxaana wacdigaa diinigaa bixiyay Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Sheek Khaliil Sheekh Cabdilaahi Axmed waxana ka soo qayb galay dhamaan xubnaha ciidanka dabdemiska qaranka gaar ahaan taliska caasimada Hargeysa iyo maamulka Dabdemiska.

Ugu horayn waxaa halkaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Axmed Sawaaxili waxaanuu sheegay inay wax wanaagsan iyo wakhtigan aynu ku gudajirno bisha Ranadaan in wacdi diinaya loo fidiyo ciidanka dabdemiska waxaanuu taliyuhu u mahadnaqay wasiirka diinta iyo awqaafta.

Waxaa halkaa Wasiir Khaliil wacdi dheer oo diiniya u jeediyay dhamaan ciidanka dabdemiska Caasimada wacdigaas oo ka hadlayay Fadliga Bisha Ramadan, Salaada, ka dheeraanshaha Xumaanta iyo wacdi diiniya oo aad u qiimo badan.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay suldaan axmed Daahir oo ka mida guddida sare ee ciidanka Dabdemiska waxaanuu dardaaran dheer u jeediyay xubnaha ciidanka waxaanuu sheegay inay ku camal falaan wacidigaas diinigaa dadkana u gudbiyaan.

Gababagadii waxaa halkaa wasiirka diinta iyo awqaaftu Kutubta Quraanka ku wareejiyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska isagoo taliyuhuna u qaybiyay dhamaan sarakiisha ciidanka Dabdemiska.

Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska Qaranka.
Hargeysa/ Somaliland.
990_ Emergency Call.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.