Wasaarada Ciyaaraha Ee Gobolka Saaxil Oo Daah-Furtay Tartan Ciyaareed

BERBERA – (WARSOOR) – Mas’uuliyiinta wasaarada ciyaaraha ee gobolka Saaxil ayaa daah-furay tartan loogu magac daray koobka xaafadaha.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Berbera Faysal Aadan waxa koobkaas soo qaban qaabisay dawlada hoose ee degmada Berbera, maayar ku-xigeenka degmada Berbera Nuur Cabdi Jaamac ayaa sheegay in u jeedada koobkaas ay u qabteen ay tahay inay is dhex galaan dhalinyarada ku wada nool degmadaas, maadaama oo ciyaaruhu ay kaalin muhiim ah kaga jiraan horumarka dhalinyarada.

Maayaar ku xigeenku wuxuu intaas ku daray in dawlada hoose ee degmadaasi ay abaal-marino guddoon siin doonto kooxda kui gulaysata koobkaas.

Geestoodana qaar ka mida  masuuliyiinka kooxaha uu koobkaasi furmay, waxaanay sheegeen in talaabadaasi tahay mid dhiirigelkin u ah ciyaartoyda uu tartankaasi u furmay ee xaafadaha kala duwan ee degmada Berbera.

Ugu damabyn isuduwaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Saaxil ayaa sheegay in tartankaasi uu dhexmari doono shan xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada Berbera ah, waxaanuu u mahadceliyay dawlada hoose ee degmadaas oo uu sheegay inay kaalin ka qaadato horumarinta ciyaaraha ee guud ahaan gobolka Saaxil.