Warsaxaafadeed – Ururka Musdanbeed ee Abwaanniinta

Wax cusub ma aha, ee deeqaha Alle innagu mannaystay ayay ka mid tahay, odayaal samotalis ah iyo bulsho u dhego-nugul oo qaadata taladooda.

Bulsho meel taallana waxa laga fahmi karaa oo halbeeg u noqon kara bisaylkeeda ilbaxnimo iyo aqooneed xalka ay kula tacaalaan dabiibka ama furdaaminta xaaladaha kolba soo waajaha

Somaliland dhibaatooyin badan oo qallafsan oo la soo darsay waxay ku dabiibtay oo kaga bogsatay daawada kor ku xusan ee ah talo odayaal, wada tashi iyo isu tanaasul. Arrinka doorashada Madaxwaynaha Somaliland iyo khilaafkii ka yimi xilliga la qabanayo, eek u soo beegmay xilli ay abaaro ka jiraan waddanakana, kama ay duwanayn dhibaatooyinkaas bulshooyinka la soo darsa.

Annaga oo halkaa ka duulayna waxa aannu ku dhawaaqnay 10/01/2017 kulan saxaaafadeed aannu kaga hadalnay arrimahaas, kuna marti qaadnay in la isugu yimaaddo gole la gu wada tashado. Si aannu uga midha-dhalino arrinkaasna, waxa aannu la kulannay Guddiga Doorashooyinka Qaranka 12/01/2017.

15/01/2017 Waxa aanu isugu keennay Saddexda Musharrax Madaxwayne Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa halkaas oo la isla qaatay in wada hadal iyo is afgrad lagu dhammeeyo goorta doorashada, iyo in laga waantoobo hadallada xanafta leh ee la isu marinayo warbaahinta.

17/01/2017 waxaannu la kulannay Guddoomiye xigeenka Golaha guurtida oo isku xogwarasannay halka looga dhaqaaqayo arrinka;

19/01/2017 waxaannu la kulannay Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo isku xogwarasannay halka looga dhaqaaqayo arrinka; sidoo kale waxa aannu la kulannay wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Waxaannu la kulannay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo isku xogwarasannay, uguna hambalyaynay go’aankii wadatashiga qaran lagu gaadhay.

Ugu danbeyn waxa aannu la kulannay Guddoomiyaha Guurtida Somaliland, oo aannu kala dardaarannay in Golahani ku raaco taladii qaran ee la isku raacay ee ku saabsanayd arrimaha doorashooyinka. Isla Guddoomiyaha waxa aannu kula noqonnay taladii 5/3/2017.

Waxaannu dhammaan uga mahadnaqaynaa madaxdaa nagu qaabishay niyad wanaagga, ixtiraamka iyo is dhagaysiga, qaadataya talooyinkii aannu la wadaagnay. Waxa aannu Ilaahay ugu mahadnaqaynaa in isdirkaa aannu is dirnay uu fure u noqdo in talo qaran iyo isu tanaasul lagu gaadho go’aammo dhaxal gal ah oo sal u noqon kara sidii doorasho xor oo xalaal ahi uga qabsoonto waddanka iyada oo ummaddeennu kari karayso.

Haddaba:

  • Waxaannu Ilaahay ka baryaynaa in abaaraha iyo dhibaatoyinka kale ee dabiiciga ah innaga soo qaboojiyo oo roob caafimaad leh inna siiyo; dadkii ku caydhoobay abaartana uu kaalo u fidiyo;
  • Waxaanu xusuusinaynaa ummadda in culayska uu sicir baraku ku hayo bulshada wali taaganyahay, tahayna in qorshe joogto ah laga yeesho oo lagu talo galo;
  • Waxaannu xusuusinaynaa in abaartii dib loogu dhigay doorashadu ay bari iyo galbeed ba ka taagantahay wali, kana sii xumaatay intii hore. Sidaa darteed waxaannu kula dardaarmaynaa ummadda Somaliland, gudo iyo debed, dawlad iyo shicib, iyo cid walba, in la feejignaado oo dedaalka iyo kaalmada la sii wado.
  • Waxaannu kula dardaarmaynaa in laga hawl galo sidii maalintaa la go’aamiyey ay inoogu qabsoomi lahayd doorashadu, tahayna in imminka la bilaabo la qorsheeyo jidkii iyo tallaabooyinkii lagu gaadhi lahaa.
  • Ugu danbayn, maaddaama ay tahay maalintii 8 maarj ee Dumarka adduunka, waxa aannu u direynaa hambalyo dhammaan haweenka adduunka, gaar ahaan haweenka Somaliland, iyo waliba hablaha hal-abuurka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.