Warsaxaafadeed ku Saabsan Mowqifka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee Shirkii Samareeb 4

Muqdisho – (WARSOOR) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay is afgaran waagii uu ku soo dhamaaday shirkii Samareeb, wuxuuse muujinayaa in ay jirto rejo wanaagsan oo weli lagu xallin karo is mariwaaga taagan, wuxuuna dhinacyada ugu baaqayaa in aysan quusan, una istaagaan masuuliyadda ka saaran dalka, ayna hirgeliyaan heshiiskii doorasho ee 17 Sebteembar 2020, heshiiskaas oo baarlamaankuna ku meel mariyey hindise sharciyeed qeexaya sida lagu soo dooranayo xubnaha Barlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddigu wuxuu u soo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed in ay muhiim u tahay xilligaan in laga wada shaqeeyo isu keenidda dhinacyada hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlaha Xubnaha ka ah. Wuxuuna guddigu ku boorrinayaa culimada, hoggaanka dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda in ay lagama maarmaan tahay in ay qaataan doorkooda soo jireenka ah ee xalinta khilaafyada lagu xalinayey hab dhaqameedka, kaasi oo ahaa wakhti dheer xalka rasmiga ah ee ay Soomaalidu dhexdeeda isku xalliso.

Guddigu wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan dhinacyadii isku hawlay xallinta khilaafka, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeedinayaa shacabka iyo maamulka Galmudug oo xil iyo si geesinimo leh dhabarka ugu ritay hawsha adag  ee shirarkii Samareeb 1 ilaa 4.

Guddigu wuxuu sidoo kale u mahad celinayaa beesha calaamka oo garab taagan Soomaaliya, kuna gacan siinaysa sidii ay dhibaatooyinkooda u xalisan lahaayeen, ayna ku caawiyaan dowlad dhisidda iyo xal ay gaaraan.

Ugu dambeyntii guddigu, wuxuu xasuusinayaa hogaamiyayaasha in mas’uuliyadda qabsoomidda doorashooyinku ay si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran iyo si ay u gaaraan xal degdeg ah, lagama maarmaanna ay tahay in ay ka shaqeeyaan isu keenidda iyo maslaxada guud ee wadanka.

Haddaba, si wadanku marxaladda uu ku jiro uga gudbo, waxaa uu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay tahay xalka keli ahi fulinta heshiiskii doorashada ee la gaaray 17 Sebteembar 2020, Isla markaana guddigu u diyaarsanyahay qabashada doorashooyin  xor iyo xalaal ah,  oo ka dhaca dalka.