Wargelin ku socota Isbitaaldada Gaarka loo leeyahay iyo Danta Guud

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey fareeysaa dhamaan Isbitaalada Muqdisho in Shacabka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqaan walaalahood ay dhibaatada kasoo gaartay musiibadii shalay ay u fududeeyaan habraacyada looga baahan yahay si ay u bixiyaan dhiigaga.

Wasaaradda Caafimaadku iyo Daryeelka Bulshad xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey adkeynaysaa in Isbitaalada ay caawiyaan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaadhay.

Sidoo waxaa bulshada lawadaageynaa inay si degdeg ah u gaadhaan Isbitaalada danta guud ee Demartini, Benadir, Madiino iyo Ex-Digfeer oo diyaar u ah fududeynta howlaha gaegaarka Caafimaad.