Wareejintii Xisbiga Kulmiye ma dildilaac hor leh buu ku keenayaa Jeegaantii?

Arrinta wareejinta xisbiga Kulmiye ee xilligan waxay la xidhiidhaa ololaha Madaxweyne Biixi ugu jiro inuu darbaddii labaad ee u xaqa u lahaa isa soo sharaxo.Mudane Biixi wuxu tallaabadan ku beegsanayaa inuu dhayo dildilaaca xooggan ee ku yimi jeegaantii kursiga saartay. Xisbiga oo ay ahayd inuu wareejiyo markii uu doorashada ku guulaysto ma uu yeelin. Taasina ka mid bay ahayd waxa dildilaaca jeegaanta sababay, inkastoo aanay tan keliya ahayn.

Madaxweyne Bixi iskuma koobin wareejinta xisbiga, balse tallaabo kale ayuu ku daray oo ah inuu ku wareejiyey Mudane Maxamed Kaahin Axmed Guddoomiyaha kowaad, ahna wasiirka daakhiliga.

Khataraha ka muuqda tallaabadani waa sidan soo socota:

Waxay dhiilo gelisay qayb ka mid ah xulifadii aad ugu dhowayd madaxweynaha, gaar ahaan golihiisii wasiirada, oo dooddodu tahay waxa habboon in xisbiga beesha lagu wareejiyo, iyaduna u magacawdo cidday u gartaan. Taas oo aanay cidina qiyaasi Karin cidday ay beeshu u dhiibayso. Taasina ay walaac gelinayso madaxweynaha, khaaasatan iminka oo ay doorashadii foodda inagu hayso.

Qaabkan madaxweynuhu xisbiga u wareejiyey waxay Khalkhal gelin kartaa beelweyntii Bariga Burco oo ay u yaalleen is-afgardyo ku saabsan hoggaaminta xisbiga ee beesha, madaxweyne Siilaanyo ka dib.Markuu xaalku sidan yahay, Madaxweynaha iyo xulafadiisii Bariga Burco-ba way ku khasaari karaan tallabadan. Madaxweynuhu wuu ku khasaarayaa oo dad iminka la socda buu ku waayi karaa.Beeshuna way ku khasaari kartaa oo midnimadii ay ku caan baxaday bay ku waayi kartaa. Balse balse…

Waar Arrintu Waa Kaambayn

Waar u cimaamadida mujaahidku waa kaambayn. Inkasta oo uu u qalmo, ilama aha inuu Mujaahid Maxamed Kaahin u hanqaltaagayo inuu madaxweyne isu taago doorashada tan inugu soo fool leh ku xigta oo waqtigeedu cagacagaynayo 2030. Hadday ugu soo dheerayso lix sano ka dib. Dee aniga iyo isaguba 70kii wax baa noo dheer oo xilligii hawlaha waaweyn ee qaranka laga fadhiisan lahaa baannu joognaa (time to retire).

Cidda beegsan karata doorashooyinka la filayo inay dhacaan 2027 waa raggii iyo haweenkii dhashay ugu weynaan 1970-neeyadii. Mar kale ayaan leeyahay hawshani waa kaambayn, yaan miisaan aanay lahayn la siin. Muddadaas waxa dhalinyarada ka soo dhex bixi doona hoggaamiyeyaashii berri.

Talo Bixin Beesha

Horjoogayaasha siyaasadeed ee labada dhinac ee sida qalloocan waxa u tarjumayaa, qaar leeyihiin tolkeena waxba inooma oggola, qaarna leeyihiin laysu joojin maayo, waa inay tolka u tudhaan, wixii fitno iyo kala fogaansho keenyana joojiyaan.

Talo siin

Madaxweynaha. Madaxweynuhu waa murashax, wuuna yaqiinsaday inuu daweeyo dildilaacii jeegaanta ku yimid, waxan kula talin lahaa in aanu uga sii darin oo qaadin tallaabooyin si didiya kuwa iminka la sii jooga.

Waxa Qoray:

Cabdiraxman Yuusuf Cartan