“Wareegtada Madaxweynaha waan aqbalay, Waxaanan ballanqaadayaa in aanan Ololaha Xisbiyada ku milmin”

Hargeysa, – (warsoor) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay soo saaray wareegto shaqaalaha dawladda laga mamnuucayo ka-qaybqaadashada ololaha siyaasadeed ee xisbiyada.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa soo baxday saacado kadib markii qaybaha kala duwan ee warbaahinta lagu baahiyay hadal uu Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan ka jeediyay xaflad uu Xisbiga KULMIYE lahaa, kaas oo uu Madaxweynaha kaga codsaday in uu isaga (Cabdillaahi) ka reebo shaqaalaha laga mamnuucay ololaha Xisbiyada.

Hadalka Afhayeenka iyo Wareegtada Madaxweynaha ee is-xigay ayay dad badan oo siyaasadda falanqeeyaa ku tilmaameen jawaab ku aaddan codsigii Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan.

Md. Cabdillaahi Ibraahin oo aragtidiisa ku aaddan arrintan warbaahintu wax ka weyddiisay ayaa waxa uu yidhi: “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay sida hufan ee Madaxweynaha Qaranku uga soo jawaabay codsigaygii ku aaddanaa in aniga oo shaqaale-dawladeed ah uu ii fasaxo ka-qaybqaadashada ololaha siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE. Jawaabta degdegga ah ee uu Madaxweynuhu Wareegtada ku soo saaray waa mid aan aad u soo dhoweynayo, 100% na waan aqbalay oo waxaan leeyahay qabuul Madaxweyne. Dhammaan Shaqaale-weynaha kale ee Dawladda na waxaan ka rejaynayaa inay sidoo kale Wareegtadaa ixtiraami doonaan”.

“Wareegtada Madaxweynuhu waxay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay inuu dalka ka hirgaliyo doorasho xor ah oo xalaal ah. Waxa kale oo wareegtadan laga baran karaa cashar hoggaamineed oo muujinaya in hoggaamiye kasta oo dalkan madax ka noqda looga baahan yahay inuu shuruucda iyo qawaaniinta dalka uu dadkiisa ku dhaqo,” ayuu hadalkiisa raaciyay Md. Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan.

Ugu dambayn, Md. Md. Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan waxa uu ballanqaaday inaanu ololaha xisbiyada ku milmi doonin, isaga oo ixtiraamaya Wareegtada Madaxweynaha. “Wareegtada Madaxweynaha waan aqbalay, waxaanan ballanqaadayaa in aanan ololaha Xisbiyada ku milmin, laakiin maalinta codbixinta codkayga shakhsiga ah waxaan siinayaa Musharrax Muuse Biixi Cabdi oo aanan qabyaalad ku xulannin, balse aan u arko hoggaamiyihii sii ambaqaadi lahaa horumarka uu Madaxweyne Siilaanyo dalka ka hirgaliyay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.