Warbixintan waxay kaa caawinaysaa inaad ka fogaato telefoonkaaga

Waxa sii xoogaysanaya walaaca ku aadan dhanka isticmaalka teleefonada, taasi oo la sheegay in wakhti badan ay geliyaan dad badan.

Shirkadda Google ayaa sheegtay in ku dhawaad 70% dadka isticmaala teleefanada ay “aad ugu qanacsanyihiin ayna ka helaan waxwalba oo ay uga baahanyihiin.

Balse arrintan ayaa dhibaato horleh ku nqoqoneyso ka faaideysiga qeybaha kale ee tiknolojiyadda.

Haddaba shirkadda Google ayaa ka shaqeeneysa sidii ay macaamiisheeda uga caawin laheyd inay ka fogaadaan isticaamlka xad-dhaafka ah.

Shirkadaha Apple iyo Google ayaa sanadkan shaaciyey alaado casri ah oo dadka isticmaala teleefonada tusinaya wakhtiga ay geliyaan teleefonka.

Rose La Prairie, waa injineerad ka howlgasha shirkadda Google, waxayna qayb ka ahayd koox hirgelinaysay alaaddan cusub ee lagu ogaanayo inta mar ee aad isticmaashay teleefonkaaga.

Waxa ay sheegtay in dadka hirgelinay mashruucan ay ka cabsi qabeen siddii ay dadka aadka u isticmaala teleefonada ula wadaagi lahaayeen natiijooyinka.

“Waxan isku dayeynay inaan waxba xukmin, oo aanan dhihin waa wax wanaagsan ama xun.” Ayey tiri.

Ms La Prairie, waxa ay aaminsantahay in dadka ay mas’uuliyad iska saaran siddii ay ku maarayn lahaayeen isticmaalka aaladda.

“Khibrad wanaagsan”

Si ka duwan shirkadda Apple oo inta badan ku howlan arrimo ganacsi, Google waxaa ay dhanka kale diiradda saartaa xayaysiinta taasi oo u baahan in qofka uu indhaha ku hayo shaahadaha.

“Waxay ila tahay waxa kaliye ee aan ka taxadarayno inay tahay in dadka isticmaala aaladdan ay helaan adeeg wanaagsan,” Ayey tiri Ms La Prairie.

“Dadka waxay rabaan inay ogaadan sida ugu wanaagsan ee ay ooga faa’iidi karaan alaadaha casriga, anagana waxan ka caawinaa arrintaasi.”

Sida ay sheegtay Rose haddii ay dadka si wanaagsan u raacan una tixgeliyaan tusaalooyinka ay khubaradu shegeen micnaheeda waxa uu noqonayaa inay dadka ay yareeyaan qaabka ay u isticmaalan teleefonada ama ay iska damiyaan.

Catherine Price, waxa ay qortay buug ay ugu magac dartay ” Siddii aan u joojiyey isticmaalka telefonkayga” kaddib markii ay aragtay ilmo yar oo ay dhashay oo daawanaya ayada, madaama ay kaga mashquushay teleefonkeeda.

” Waxan xaqiiqsaday inaan rabin in ilmahayga aysan sidaasi u arkin xirriirka ka dhexeeya bini’aadamka, balse ma doonaynin in nooloshayda uu telefonka noqdo,” Ayey tiri.

“Joojinta isticmaalka teleefoonka micnaheeda ma’ahan inaad telefonka meel ku tuurtid, balse waa inaad la samaysatid telefonkaaga xiriir wanaagsan adigoo eegaya waxa adiga kuu wanaagsan”.

Buggeeda Ms Price waxay ku qortay qorsha qaadanay ilaa 30 maalmood ah oo lagu wanaajin karo xiriirka u dhexeeya teleefonka iyo qofka isticmaalayo.

Waxad go’aan ka gaartaa waxa aad ooga baahantahay telefonkaaga iyo kuwa kale. Jooji waxa aan muhiimka kuu ahayn.

  • Waxad isku daydaa inaad qolka aad seexanayso aadan la soo gelin telefonkaada gacanta.
  • Subixii marka aad soo kacdo si aadan wakhtiga ooga fiirinin telefonkaada waxa wanaagsan in saacadda aad xilliga ka fiirsatid.

“Marka aan telefonka soo qaado, si aan cimilada maanta ooga fiiriyo waxan arkaa anigoo baraha ay bulshada ku xirriirto ku jiro.”

Taasi ayaa ah dhibaatada ay dad badan wajahaan.

Marka 2019 ma noqon doonaa sannadka aan xiiirka u jari lahayd isticmaalka teleefoonka?

 

Xigasho: BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.