WARBIXIN CAAFIMAAD XANUUNKA FAALIGGA

Xanuunka faaliggu waa mid ka mid ah xanuunada ugu saamaynta badan wakhtigan la joogo.

xanuunkan waa mid ka mid ah xanuunada aan faafin la isna qaadsiin karin .

faaligga ayaa ku soo badanaya dadka da’da yar. Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa 44% kordhay tirada dadka da’da yar ee isbitaallada la dhigay faaligga . “Qiyaastii 10 ilaa 15% dhammaan istaroogga ayaa hadda ku dhaca dadka da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 50 sano.

Xanuunka faaligga waxa loo qaybiyaa laba :-

  • xididada maskaxda oo qarxa , xididku waxa uu qarxaa marka cadaadisku uu ku bato gidaarada xididka ,xididkuna uu dhuubnaadaa waxyabaha xididka dhuuba waxa kamid ah xididka oo gidaaradiisa subag badan inta uu ku dhego kadib cidhiidhiya dhiiggi dhex marayey xididka marka sifudud ayuu xididku u qarxayaa marka la eegayo cadaadiska dhiigga ah ee xididka dhexmaraya.
  • xididada maskaxda oo xidhma ,waxyaabaha xidhi kara waxa ka mid ah xinjir ama subag.

WAXYAABAHA DHALIN YARTA KU KORDHIYA FAALIGA?

qodobo badan ayaa keena in si fudud dhalinyarta faalig uu ugu dhici karo waxyaabaha sahla waxa ka kamid ah :-

  • sigaar cabidda.
  • jaadka.
  • macaanka/ sonkorowga.
  • miisaanka aadka u sarreeya.
  • jimicsiga oo yar.
  • cuntooyinka oo ay ku badan yihiin subagga badan .
  • biyo cabista oo yar.

HALISTAN MAXAA LAGU YARAYN KARAA?

Halista faaligga waxa lagu yarayn karaa ama lagaga hortagi karaa qodobadan :-

  • balwadaha kale duwan oo la joojiyo .
  • heerka sonkorowga oo la xadeeyo .
  • haddii aad isticmaashid sonkor badan fadlan yaree sonkorta.
  • jimicsi badan samee.
  • subagga aad isticmaashid xaddi yar qaado maalintii.
  • biyo badan cab .
  • cadaadiska dhiigga oo hoos loo dhigo .

waxa jira shaybaadho muhiim ah in qofku uu saddexdii bilood ba hal in uu eego ay muhiim ay tahay waxa ka mid ah :-

  • Heerka subagga dhiigga.
  • Heerka sonkorta dhiigga.
  • Cadaadiska dhiigga.

Saddexdan shaybaadh muhiim ayey u yihiin qofkasta ,si looga hortago xanuunka faaligga.

CALAAMADAHAN WAA CALAAMADO AAD KU XAQIIJIN KARTO XANUUNKA FAALIGGA.

  • WAJIGA , afku uu qaloocdaa isaga oo dhinac u maroorsama.
  • GACMAHA ,dhinaca uu kaga dhaco maskaxda ,tusaale midigta haduu kaga dhaco bidixda ayaa shaqada gabta marka hadba dhinaca uu ku dhaco gacanta xigtaa way qaloocantaa.
  • HADALKA , qofku ma hadli karo hadii uu hadlo ,hadallo aan la fahmin ayuu ku hadlaa.
  • WAKHTI , Isla wakhtigan aad qofka la kulanto sida ugu degdega badan dalbo caawimo , sida ugu degdega badanna u gee goob caafimaad.