Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo galay maalintii labaad

MUQDISHO — (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo hoggaamiyayaasha maamul goboleeyada ayaa maanta la kulmay diblomaasiyiinta beesha caalamka magaalada Muqdishu. 

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka wadahadleen dardargelinta doorashooyinka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gabagabeeyo doorashada, sida lagu sheegay barta twitterka ee Ra’iisul Wasaaraha. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in turxaan bixinta doorashada lagala tashanayo dhinacyada ay khusayso, sida midowga musharixiinta, bulshada rayidka, haweenka iyo daneeyayaasha kale. 

Shirkan ay leeyihiin Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shalay ka furmay Muqdishu xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynaha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ras’iisul Wasaare Rooble.