WAR SAXAAFADEED: Heshiiskii Emirates iyo flydubia oo qaybtii ugu horeysay ee wadaaga nidaamka jihooyinka la hirgaliyay

DUBAI – (warsoor) – Kadib heshiiskii iskaashi ee ay dhawaan galeen, Emirates iyo flydubia ayaa maanta shaaciyay in Emirates ay 29 jiho oo ay fludubia ka shaqayso kusoo dari doonto nidaamkeeda kuwaas oo sadex qaaradood oo dunida ah.

Heshiiskan cusubi, nidaamka lagu wadaagayo, waxaa uu bixin doonaa in si fudud oo joogto ah loo helo jihooyin badan oo adduunka oo dhan ah kaas oo faa’idooyinka uu leeyahay ay kamid tahay in isku xidhka ay kamid noqoto alaabta uu qofku wato ilaa halka ugu danbaysa ee uu ku socdo. Dadka safrayaayi waxay 03 October ka bookin garaysan karaan Emirates.com, Xarumaha Xidhiidhka Emirates ama xafiisyada socdaalka taas oo duulimaadyaduna bilaabmayaan laga bilaabo 29 October 2017.

HH Sheikh Axmed bin Siciid Al Makhtuum, Gudoomiyaha iyo Maareehaya Guud ee Emirates Group sidoo kalena ah Gudoomiyaha flydubai, waxa uu yidhi, “Waa talaabadii ugu horeysay oo farxad leh taas oo fure u ah faa’idooyinka wada shaqaynta ay u leedahay dadka safraya kuwaas oo fursad u heleya inay helaan faa’idooyin gaar ah oo lada shirkadood ee diyaaradood midba gaarkeea u bixiso sidoo kale ikhtiyaar badan marka ay Dubia ka raacayaan. Tani waa bilawgii waxaananu kobcinaynaa wada shaqaynta bilaha soo socda. Waxaanan u furaynaa fursadaha aanu bixinayno dadka diyaaradahaayaga ku safrayaayi si ay adduunka ugu tibaaxaan.”

Intay dadku safarka ku jiraan waxay Emirates iyo flydubai siin doontaa khibrad muujinaysa habdhaqanka gaarka ah oo lagu xuno calaamadooda marka la arko. Marka la bookin garaysto, taas oo ka mid ah wadaagida nidaamka jihooyinka ee cusub, dadka raacaya Emirates waxay heli doonaan cunto dheeraad ah oo soo dhawayn ah sidoo kale alaabo dheeraad ah oo Emirates ah, duulimaadyada ay maamulayso fludubai ee Business Classes iyo Economy Classes.

Marista la marayo xarunta duulimaadyada Dubai waxaa lagu helaa si habsoon oo diyaarada loogu kala wareego, heshiiskan cusubna waxa uu u horseedayaa dadka socdaalaya in wakhtiga ay diyaaradaha ku kala wareegayeen (MCT) ay hoos u dhigaan taas oo ah inta u dhaxaysa garoonta xarunta u ah Emirates ee Terminal 3 iyo ka flydubia ee Terminal 2 in la iskaga gudbayo 120 daqiiqo oo kaliya.

Shaacintan maantu waxay hordhac u tahay heshiiska balaadhan, kaas oo mustaqbalka, lagu samayn doono isku xidhka magaalooyin kale oo heshiiska wadaagista nidaamka jihooyinka ah taas oo laba shirkadoodba ee diyaaradoodba laga faa’idaysan doono mid kasta daladeeda.

Faa’idooyin dheeraad ah dadka sida joogtada u socdaala

Wajigan hore ee heshiiska iskaashiga ah, Xubnaha Emirates Skywards waxay ku heli karaan skywards miles iyo Skywards Tier Miles nidaamka cusub ee wadaagista jihooyinka labada shirkadood sidii horeba usoo jireenka ahayd ee barnaamijka Skywards mileage-ka.

Sidoo kale alaabta dheeraadka ah ee bilaashka ah ee Emirates, xubnaha Skywards Premium waxay ku helayaan alaab dheeraad ah oo bilaash ah oo 20kg ah (xubnaha platinum), 16kg (xubnaha Gold) iyo 12kg (xubnaha Silver) nidaamka cusub wadaagista jihooyinka ee shirkadaha ee ay gacanta ku hayso maamulkiisa flydubai.

Xubnaha Skywards Silver, Gold iyo Platinum ee ku socdaalaya nidaamkan wadaagista jihooyinka labada shirkadood waxay ka helayaan flydubai in ay kuyuuka ka galaan markay socdaalayaan qaybta miiska Business Check-in-ka waxayna helayaan tags-ka mudnaanta ah.

Faa’idooyin intaa kasii dheer ee xubnaha diyaarad kasta ee sida joogtada ah u safra iyo barnaamijka u daacad nimada shirkada dib ayaa laga sheegi doonaa.

Jihooyinka nidaam wadaagiska Emirates iyo flydubai  

Magaalada Macaga Dalka
Baku Azerbaijan
Sarajevo Bosnia & Herzegovina
Sofia Bulgaria
Prague Czech Republic
Asmara Eritrea
Tbilisi Georgia
Lucknow India
Ahwaz Iran
Bandar Abbas Iran
Esfahan Iran
Lar Iran
Shiraz Iran
Najaf Iraq
Kuwait Kuwait
Bishkek Kyrgyzstan
Skopje Macedonia
Muscat Oman
Salalah Oman
Bucharest Romania
Kazan Russia
Krasnodar Russia
Mineralnye Vody Russia
Rostov-on-Don Russia
Samara Russia
Yekaterinburg Russia
Belgrade Serbia
Juba South Sudan
Kiev Zhulyany Ukraine
Odessa Ukraine

APO qaybiyey oo ku hadlaya magaca flydubai.

 

Xiriir:

Houda Al Kaissi

flydubai

  1. +971 4 603 3073
  2. +97156 6830336

Houda.Alkaissi@flydubai.com

 

Chakera McIntosh

APO Group

Chakera@APO-opa.org

 

Macluumaadka Emirates

Xaruntaayada saxaafada ayaa haysa wixii kusoo kordha shaqada, taas oo ay kamid yihiin war saxaafadeedyada iyo maqaalada markaa soo baxa iyo cinwaanka cida lala xidhiidhayo.

Emirates waxa la aas aasay sanadkii 1985 waxayna shaqadana ku bilawday laba diyaaradood oo kaliya. Maanta waxay leedahay diyaarada ugu badan ee noocyada loo qayaab Airbus A380 iyo Boeing 777, taas oo macamiisheeda u fidisa raaxo iyaga oo raacaya diyaaradaha ugu casrisan ee cirka mara.

Waxaanu dadka musaafiriinta ah ee adduunka, kusoo jiidanaa isku xidhka jihooyinka aanu ka shaqayno ee kordhaya, madadaalada ugu fiican ee diyaarad laga dhex helo, cuntooyinka deegaandaas iyo adeega ugu sareeya. Wax kasii badan ka ogow.

Macluumaadka flydubai

Shirkada diyaaradaha ee fadhigeedu yahay Dubai ee flydubia waxay dadaalka ugu badan galisay sidii ay u yarayn lahayd caqabada safarka iyo inay horimariso isku xidhka dhaqamada kala duwan iyada oo balaadhinaysa isku xidhkeeda. Ilaa markii la bilaabay 2009, flydubai waxay:

  • Abuurtay duulimaadyo isku xidha in kabadan 90 jiho oo 44 dal ah.
  • Waxay samaysay isku xidhka 63 jiho oo cusub oo aan hore duulimaad Dubai ku xidha lahayn ama aanay ka shaqaynin shirkadaha diyaaradaha Dubai laga leeyahay.
  • Waxaa u shaqeeya 58 diyaaradood oo noocii ugu danbeeyay ee loo yaqaano Boeing 737 -800 ah waxaana u maqan 100 diyaaradood oo lagu soo wareejin doono 2023.
  • Sidoo kale,  xawaaraha iyo fudaydka flydubai shirkad diyaarad oo da’yar ahaan waxay kaalin ka qaadatay koboca dhaqaale ee Dubia, iyada oo fulinaysa himilada Dawlada Dubai, taas oo abuurtay isu socod ganacsi iyo dalxiisayaal aan hore suuqaa u fahansanayn.

 

Si aad u hesho warkii ugu danbaysay ee flydubai, fadlan booqo qolka wararkaayaga.

ASAL
flydubai

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.