WAR SAXAAFADEED: Barnaamijka Kobcinta Ikhtiraaca oo koox kale dhaqaale u abuuray bixiyayna maalgalin gaadhaysa ilaa $30,000 Maalin Dhawayd oo Halabuurkooda ay Hargeisa kusoo Bandhigeen

HARGEISA – (warsoor) – Ha’ada Innovate Venture, oo ah hay’ada hormoodka u ah kobcinta ikhtiraaca teknoolojiyada iyo ganacsiga bilawga ah ee Somaliland iyo Somalia taas oo ay gacansaar ay leeyihiin VC4A, Telesom iyo Workd in Progress! Alliance, waxaa kasoo qayb galay kooxdii labaad ee dhalinyarada soo qalinjabiyay oo ka kooban 10 kasoo kala jeeda Somaliland iyo Somalia barnaamijka maalgalinta. Sanadkan waxaa barnaamijka soo gaadhay wax ka badan 400 arji, kuwaas oo ka dhashay bandhigii barnamaijka ee sanadkii lasoo dhaafay. Maalgalinta sanadkan la bixiyay waxay laba jeer kusoo laabmaysay maalintii sanadkii hore la bixiyay ee $15,000. Waxaana sanadkan la bixiyay $30,000.

Hordhaca Barnaamijka

Barnaamijka Innovate Accelerator waa barnaamij 12 todobaad ah oo loogu talo galay in lagu maalgaliyo jiilka cusub ee Somali-da ganacsiga abuuraya. Talo iyo todobar ayaa lasiiyay kaas oo ay bixinayeen dadka khabiiro ah iyo ganacsate. Afar kamid ah dadkaa ganacsiga yagleelayay ayay Innovate Venture u samaysay maalgalin dhan $30,000.

Koboc

Barnaamijka kobcintu waxa uu gaadhay wax kabadan 2 milyan oo ruux oo lagu gaadhsiiyay Fariinta Taleefanka Gacanta iyo TV-yada kuwaas oo barnaamijka iyo Maalintii Bandhiga Somaliland, Somalia iyo Ingiriiska iyo Maraykankaba baahiyay. Koboca arjiyada iyo maalgalinta, iyo taakulada iyo sida ay u danaynayeen hay’ada shicibka iyo ganacsataduba ayaa keentay in uu kobco barnaamijku.

Maalintii Bandhiga

Axadii ay taariikhda ahayd October 29keedii ayaa Maansoor Huteel lagu qabtay Maalintaas Bandhiga, taas oo ahayd midhaha dadaal 6 bilood socday oo barnaamijku ku baadi goobayay ganacsatada cusub ee abuurtay qiimo, shaqo sidoo kalena haysta fursad ay ku koraan. Xafladaas waxaa kasoo qayb galay dad kabadan 300 oo ruux oo ay weheliyaan saxaafada, ganacsato iyo maalgaliyayaal. Koox kastaa waxay kusoo hor bandhigtay ganacsigooda gudi ka kooban ganacsato, madax iyo mulkiilayaal ganacsi.

Kaalinta kowaad waxa baxday Bilan Baby, ganacsi iibiya alaabta caruurta, agabka iyo dharkooda sidoo kale alaabaadka hooyada. Bilan Baby waxaa lasiiyay $7,000 oo maalgalin ah. Kaalinta labaad waxaa baxay SAMS, suuq ay ku kulmayaan beeralayda iyo macaamiishoodu iyo Almijet, shirkad daabacaad xayaysiisyada ah kuwaas oo midkiiba lasiiyay $5,000. Ugu danbayntiina, Brandkii, shabakan online ah oo suuqgayn iyo xayaysiis samaynaysa, kuwaas oo iyaguna heley $3,000. Waxa sidoo kale maalgalin lasiiyay Muraadso, shabakan wax lagu kala iibsado oo sanadkii horena ku guulaysatay; waxay heleen $10,000 wakhtigaas.

Mustaqbalka

Warda Dirir, oo kamid ah aas aasayaasha Innovate Ventires, waxay tidhi, ‘guusha sanadkan barnaamijka kobcinta waxa uu ka yimid dadaal sanado badan ah oo deegaanka ah iyo casharo badan oo laga bartay. Waxaa naga go’an in aanu ka caawino mandaqada sidii ay u curin lahayd ganacsato dheeraad ah oo teknooloojiyada ka faa’ideeya kuwaas oo caqabadaha ganacsiga ee mandaqada xal u hela sidoo kalena abuura suuqaq aan hore loo taaban’. Marka la eego koboca barnaamijka, sanadka danbe waxaa la filayaa in arjiyada iyo maalingalintuba kordhaan, kuwaas oo kordhinaya taageerada ganacsiyada teknoolijiyaga Somali-da ee bilawga ah.

Qeybiyey APO Group oo ka wakiil ah Venture Capital for Africa (VC4A).

View multimedia content

Xiriir Media:
Info@Innovate.so

Macluumaadka Innovate:

Innovate Venture waa hormoodka kobcinta ganacsiga cusub iyo maalgalinta teknooloojiyada Somaliland iyo Somalia. Innovate Venture waxaa loo abuuray sidii ay u balaadhin lahayd cufka una kobcin lahayd ganasiga tekloojiyada cusub ee Somaliland iyo Somalia, si loo taageero jiilka cusub ee ganacsatada Somalida, iyo in la abuuro jawi qabaw oo koboca ganacsiga dalka ah. Innovate Ventures waxay ilaa sanadkii 2012 dhamaan deegaanada Somalida ka waday xarumo lagu sameeyo qorista koodhadhka, barbaarinta iyo kobcinta ganasiga.

Macmuulaadka VC4A:

VC4A waa madal maalgalineed iyo daladd ganacsato, maalgaliyayaal, maalgashadayaasha ikhtiraada iyo tobobarayaal kuwaas oo ka dhisa qaarada Afrika shirkado qaab cusub ah. VC4A waxay ka taageertaa ganacsatada cusub ee bilawga ah ee Afrika nidaamka koboca iyada oo ku xidha ganacsatada cusub maalgalin usoo marta madal online ah, waxay u ololeysaa maalgalinta sidoo kale waxay siisaa wixii taakulo ah kobciyayaasha deegaanada.

Macluumaadka Work In Progress! Alliance:

Hadafka “Work in Progress!” waa inay hormariso fursada dhaqaale ee wiilasha iyo gabdhaha dhalinyarada Masar, Nayjeeriya iyo Somalia, inay abuurto shaqooyin iyo inay godliso ganacsatada iyada oo abuursaysa xirfadii dhalinyeed, awoodsiinaysa ganacsiga yaryar iyo ka dhexdhexaadka(SMEs) ah iyo iyada oo deegaankii taas sahlayay samaynaysa. Alliance waxay wada shaqeeyaan Oxfam, VC4Africa iyo Butterfly Works.

Macluumaadka Telesom:

Telesom waa shirkada isgaadhsiineed ee ugu wayn taas oo xarunteedu guud ku taalo Hargeisa, Somaliland. Telesom waxay bixisaa alaabo iyo adeegyo kala duwan oo isgaadhsiineed. Waxay bixisaa adeega ku shubashada hadalka, adeega biilasha ku hadalka ee bishii, Adeega In taleefankaaga dalka aad caalamka kale ku adeegsan karto, MMS, WAP (oo GSM iyo GPRS-ba ah), adeegyada laymanka guryaha, iyo internetka broadband-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.