WAR SAXAAFADDA LOOGU TALO GALAY: Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland oo la kulmay jaalliyadda Somaliland ee Ottawa, Canada

Canada – (warsoor) – Waxaa magaaladda Ottawa , Axaddii 30/10/2016, ka qabsoomay kulan ballaadhan oo uu Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajooggu Mudane Cadiraxmaan Cabdullahi Xirsi (Dayaxweerar), kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Ottawa,  caasimadda dalka Canada. Waxa u wehelisay Guddoomiyaha kulankan Danjiraha Somaliland u qaabilsan dalka Canada, Danjire Luul Osman.

sot7

Kulankan oo aan qabanqaabadiisa iyo qaybgalkiisaba  kala hadhin, waxa ka soo qayb galay waaxaha ay Jaaliyaddu ka kooban tahay iyo qaarka mid ah laamaha warbaahinta warfaafinta ee magaalada Ottawa – gaar ahaan Laanta Af-Soomaliga ee Idaacadda CKCU ee Ottawa.

Kulankan oo qayb ka ahaa safar shaqo Guddoomiyaha Wakaaladdu dhawaanahanba u maraayay qaarka mid ah wadamada Europe ee Somaliland ku leedahay jaalliyadana badan, waxa uu guddoomiyuhu ku soo bandhigay arrimo badan oo la xidhiidha shaqada iyo qorshayaasha Wakaaladda iyo kaalinta qurbajoogga Somaliland ee dhismaha iyo horumarka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu Guddoomiye Dayaxweerar uga warramay jaalliyada hawlaha u qabsoomay Hay’adda iyo hawlaha u qorshaysan xilliga dhaw iyo wakhtiga fogba, waxanu dhinaca kale tilmaamay kaalinta waafiga ah ee qurbajoogga Somaliland ka qaadan karan geedi socodka horumar ee qaranka – dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, aqoonta, xirfadaha iyo waaya aragnimada togan ee ku soo kordhin karaan dalkooda hooyo. Guddoomyaha Qurbajoogga Qaranku wuxu uga waramay ka soo qaybgalayasha fursadaha maalgashi ee dihin dalkooda, waxanu ku dhiirrigliyay inay si firfircoon uga soo qaybgalaan maalgashiga ganacsiga iyo waxqabadka dalkooda.

Dhinaca kale, waxa iyana kulanka erayo qiimo badan ka soo jeedisay Danjiraha Somaliland u qaabilsan dalka Canada, Marwo Luul Cismaan, waxanay ku adkaysay dadkii kulanka ka soo qaybgalay iyo guud ahaan jaalliyadda Somaliland ee Ottawa  inay ajiibaan farriinta Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo dhistaan guddi isku hawsha isku xidhka jaalliyadda iyo hawlaha danta guud ee jaalliyadda Ottawa iyo xidhiidhka dalkooda Somaliland ba si ay gacan fiican iyo waxtar uga gaysan horumarint qarankooda dhinac walba.

Ka soo qaybgalayaasha kulanka ayaa iyaguna dhinacooda su’aalo doora ka waydiiyay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland arrimo khuseeya wada shaqaynta qurbajoogga iyo Xafiiska, xidhiidhka qurbajoogga/jaalliyadaha iyo dawladda ama dalka guud ahaan iyo dhinacyo kale.

Wuxu ku dhammaaday kulanku jawi fiican oo is fahan iyo kala faaiidaysi badani ka dhashay, dhiirigelin iyo baraarujinna u ahaa jaalliyadda Somaliland ee Ottawa, Canada.  Wuxu u dhammaday kulanku iyagoo ka soo qaybgalayaashu ku sheekaysanaya  fursadaha maalgashi ee ka jira dalka iyo xiisaha ay u qabaan inay maalgashadaan

 

Source;  Somaliland Diaspora Agency

Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

www.sldiasporaagency.org

sldiasporaagency@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.