War Deg-deg ah: C/qaadir Jaamac Ismaaciil (Dacar) Oo Xalay Magaalada Burco Ku Shaaciyey Inuu Sharaxan Yahay Golaha Wakiilada Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Burco – (warsoor) -Musharax C/qaadir Jaamac Ismaaciil (Dacar) oo kamida qurbajooga reer Somaliland ee kasoojeeda gobolka Togdheer, isla markaasina habeenimadii xalay Hotelka Deero ee magaalada Burco ku qabsaday xaflad uu ku shaacinaayey inuu u sharaxan yahay Doorashada Golaha Wakiilada ee Gobolka Togdheer ayaa xabsiga loo taxaabay.

C/qaadir Jaamac Ismaaciil (Dacar) oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa dalka ayaa sababta ka danbaysa xadhigiisa aan si rasmi ah loo ogayn iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in xadhigiisu la xidhiidho arimo argagixiso oo dhawr sano ka hor sidan oo kale loogu xidhan dalka UK oo uu mudo ku xidhnaa, Taasi oo wararku tibaaxeen in mudadii uu joogay dalka daba-gal iyo baadhis dheer ay ku hayeen Ciidamada Sir-doonka ee dalalka Somaliland iyo UK oo si aada ula socday dhaq-dhaqaaqiisa iyo hawlaha uu u joogo Somaliland maada oo hore loogu haystay falal Argagixiso oo ka dhacay dalka UK.

Ilaa hada lama oga goobta rasmiga ah ee lagu xidhay muwaadinkan oo haysta dhalashada dalka Cannada oo uu sanadihii ugu danbeeyey ku noolaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.