War-Deg-dag Ah:- Madaxtooyada oo Laga Amray Xadhiga Odey Dhaqameedyo iyo Cuqaal Ka Soo Jeeda Awdal

Hargeysaย  -(warsoor) – Tiraba inta la og yahay illaa Sagaal ruux oo iskugu jira Odey dhaqameedyo, Cuqaal iyo Wax-garad ka soo jeeda Beelaha Habar-Carfaan/Sama-roon ee dega goballada Galbeedka Somaliland, ayaa caawa fiidkii ay ciidamada Booliska Somaliland u taxaabeen Xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa.

ciidan

Illaa hada lama ogga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xadhiga odeyadan, balse sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in odey dhaqameedyadan iyo cuqaashan ay ka mid ahaayeen Caaqil Faarax Xaaji Boqore iyo Caaqil Cabdillaahi Cilmi Obsiiye, ku waasi oo la oggaaday in ay wadeen qaban-qaabada shir ayย  beesha Habar-Carfaan kaga tashanaysay Aayaheeda Mustaqbal, sida oo kale na waday dedaalo ay ku dhex-dhexaadinayeen Xisbiga WADDANI iyo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed oo dhawaan ka soo cadhooday shirkii Golaha Dhaxe ee Xisbiga WADDANI.

Wararku, waxa ay intaas ku darayaan in Ciidamada Booliska Somaliland ay u sheegeen odey dhaqameedyada iyo Cuqaasha ba in xadhigooda laga soo amray gudaha Madaxtooyada Somaliland, isla mar ahaantaana ay ku amran yihiin soo qabashadooda, balse waxa xusid mudan in xadhiga odeyadani uu yahay mid Xukuumadda KULMIYE kaga hor istaagayso in wax wada-hadal ahi ay dhex-maraan Axmed Muumin Seed iyo Xisbiga WADDANI.

Wariye Khadar Kurayte

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.