Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka faransiiska oo ka qaybgalay shirkii 13aad ee ka faa’iidaysiga kheryaadka badaha caalamka.

France – (warsoor) – Wakiilka somalilnad fadhiya dalka france Ambassador Ali Ismail Hassan ayaa ka qaybgalay ayaa shirkii 13aad ee ka faa’iidaysiga kheyraadka badaha calaamka oo sanad kasta lagu qabto dalka france –ka wuxuu safiirka ku oo bandhigay intii uu shirku socoday mursadaha maalgashi ee yaal Somaliland dhinacyadda kaluumaysiga macdanta beeraha dalxiiska warshadda oo baahan inay dunidu maalgalin ku sameyso “Cid kastoo iskaashi dhaqaale iyo maalgashi u dan ah shacabka Somaliland haysa waan soo dhoweynaynaa taasi waxay ka turmaysa siyaasada xukuumadda madaxweynaha Somaliland muuse inaan dunid xiidhiih maalgashi ka helno ” Danjire Cali Ismail Hassan.

Danjiraha Jsl Ee Faransiiska isagu hadalkiisa sii wata ” wuxu si guud uga warmay sooyaal tariikheed ee ay soo martey Somaliland dhinaca doorashooyinka madaxtooyadda golaha wakiiladda golayaasha deegaanka oo sii wanaagan uga qabsoomay oo aan ka hirgalin dalal badan oo ka mid ah caalamka
Shirweyne la xidhiidha ka faa’iidaysiga Baddaha, kana soo qeybgaleen shirkadaha Faransiiska iyo kuwo Caalami ah, oo ka dhacay magaalo-xeebeedka Faransiiska ee Brest, ayaa lagu martiqaaday wakiilka JSL u fadhiya Faransiiska Danjire Cali Ismaaciil Xassan.

Md Cali Ismaaciil Xassan, Danjiraha JSL u fadhiya dalka Faransiiska ayaa ugu baaqay shirkadaha Faransiiska iyo kuwa Caalamka inay ka faa’iidaystaan maalgashiga baddaheena amaanka ah.” Kulan lagu martiqaaday oo ka dhacay magaalada Brest, ee dalka Faransiiska.
Shirweynahan sannadlaha ah, oo ka soo qeybgaleen shirkado maalgashi, xirfadlayaal iyo kuwa Ganacsiga kheyraadka baddaha, ee Faransiiska iyo kuwo caalami ah, isla markaana uu furay Wasiirka Deegaanka & Nabadgelyada Faransiiska Mr François de Rugy, ayuu faahfaahin kaga bixiyey muhiimada ay leedahay ka faa’iidaysiga kheyraadka baddaha gudaha iyo kuwa caalamka ee fursado maalgashi ku haboon yihiin.

Mr. Rugy ayaa sheegay in dalkiisu soo dhoweynayo, diyaarna u yahay ka faa’iidaysiga baddaha dihin, isla markaana wadamadoodu diyaar u yihiin isdhaafsiga dannaha labada dhinac.
Danjiraha JSL u fadhiya Faransiiska Md Cali Ismaaciil Xassan oo khudbad ka jeediyey mudadii saddexda maalmood ee shirku socday ayaa faahfaahin balaadhan ka bixiyey xaalada nabadgelyo ee baddaha dalkeena iyo fursadaha maalgashi ee ka banaan.

“Somaliland oo leh xeeb dhererkeedu gaadhayo 850KM nabad ah, fursado maalgashi kala duwan ayaa ka jira, cid kastoo iskaashi dhaqaale iyo maalgashi u dan ah shacabka Somaliland haysa waan soo dhoweynaynaa,” ayuu u ballanqaaday Danjire Cali Ismaaciil, martidii shirweynaha ka qeybgashay.
Shirweynahan oo ah sannadkii saddexaad ee si joogto ah loogu soo martiqaaday JSL, isla markaana, gebagebadii kulamo gaar gaar ah dhexmareen shirkadahii ka soo qeybgalay iyo Danjire Cali Ismaaciil, la xidhiidha fursadaha labada dhinac iska kaashan karaan, ayaa sii labanlaabi doona dedaaladii xukuumada & Wasaarada Arrimaha Dibedu ugu jiraan gaadhitaanka ictiraafka iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Wakiilka Somaliland ee dalka faransiiska
Ambassdor Ali Ismail Hassan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.