Wakiilka cusub ee Somaliland u fadhiyi doona Addis Ababa Danjire oo xilka si rasmi ah ula wareegay

ADDIS ABABA – (WARSOOR) -Wakiilka cusub ee Somaliland u fadhiyi doona Addis Ababa Danjire Maxamed Axmed Cawad ayaa xilka si rasmi ah ula wareegay.

Qoraal uu soo dhigey facebook ayaa sidan u dhignaa:

Waxaaan si rasmi ah ula wareegay shaqada safaaradda JSL ee dalka Itoobiya. Sharaf ayay ii tahay in aan u adeego dalkeyga noqdana safiirka safaaradda JSL ee Itoobiya, xilli xidhiidhka diblomaasiyaddeed ee labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya uu marayo meeshii ugu fiicnayd.

Marka hore, waxa aan halkan uga mahadcelinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ii oggolaaday inaan noqdo safiirka dalkayga ku matalaya dalka Itoobiya.

Waxaan halkan mahad ballaadhan uga dirayaa safiirkii hore ee safaaradda JSL ee Itoobiya Amb. Yuusuf Maxamed Guuleed iyo Safiir-ku-xigeenka safaaradda JSL ee Itoobiya Amb. Barkhad Maxamuud Kaariye oo labadduba waqtigii ay joogeen safaaradda dadaal badan galiyey, guulo badanna u soo hooyey qaranka JSL.

Sidoo kale, waxaan hambalyeynayaa dhammaan hawl-wadeennada safaaradda JSL ee Itoobiya, sida quruxda badan ee ay wadaninimaddu ka muuqato ee ay ugu adeegayaan qaranka JSL.

Ugu dambayn, waxaan halkan uga mahadcelinayaa dawladda Itoobiya oo aan sida ugu macquulsan ula shaqeyn doono si aan u sii xoojino xidhiidhka soo jireenka ah ee labada waddan.