Wafdi Ka Socda Xukuumadda Soomaaliya Oo Baydhabo Gaadhay

Baydhabo – (warsoor) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kmg dowladd gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, halkaaso oo uu soo dhaweeyay M.weynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sh Aadan iyo Masuuliyiin kale.

maxamed_cumar

Madaxweynaha Dowladd gobaleedka koonfur galbeed, Md. Shariif Xasan Shiekh Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yahiin in maanta ay soo gaaran magaalada baydhabo ee Xarunta gobalka Baay.

Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Somaaliya Mudane Maxamed Cumar ayaa sheegay in ujeedka ay u tageen magaaladda Baydhabo ay tahay in kulamo ay la qaataan masuulayiinta maamulka ayna ka wada hadlayaan qorshaha xoojinta amniga iyo iskaashi dhinacayada Siyaasadda guud ee dalka la xidhiidhto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.