Wafdi ka socda XFS & QM oo Buulo burte u tagay qiimeynta xaaladda Bani aadamino

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiija Maxamed Diiriye iyo wafdi ka socda Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ee kala ah UN-OCHA, WFP, WHO iyo UNICEF ayaa gaaray Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Wafdigaan gaaray Degmada Buulo burte ayaa u kuurgalaya xaaladaha Bani aadamnimo ee Degmadaas oo in ka badan 5-sano go’doon ka ah isu socodka dhulka oo waxaa keliya u furan dhanka duullimaadka.

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiija Maxamed Diiriye iyo Wakiilada ka kala socda Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Maamulka Degmada, qaybaha kala duwan ee Bulshada & shaqsiyaad kale.

Qaramada Midoobay ayaa bilawday qiimeynta Degmooyinka go’doonsan waqtiga dheer si ay u dhageystaan dadka kunool oo duruufo nololeed wajahaya, dhawaan qaar kamid ah xubnaha hay’adahaan waxa ay tageen Degmada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.