Wafdi ka socda urur Goboleedka IGAD oo gaaray Magaalada Beledweyne

Baladweyne – (warsoor) – Sida ay SONNA u sheegeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaa goor dhow Magaalada Beledweyne gaaray wafdi uu hoggaaminayo Danjiraha IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Wafdiga waxaa Magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Gobolka, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

BALADWEYN

Ujeedka wafdiga ee Magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay in ay tahay wadahadalo ay la furayaan waxgaradka Hiiraan, iyaga oo kala hadlaya arrimo la xiriira dhismaha Maamulka loo sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe, iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa shirka Jowhar.

Danjire Maxamed Cabdi Afey iyo wafdiga la socda ayaa lagu wadaa in ay la fariistaan waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana qorshahoodu uu yahay sidii reer Hiiraan ay qeyb uga noqon lahaayeen dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

W/D:-Muxudiin MMC

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.