Wafdi ka socda Soomaaliya oo gaaray xarunta maxkamadda ICJ

HAGUE — (WARSOOR) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta gaaray magaalada Hague, oo ay ku taalla xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wafdigan ay ka qeyb gali doonaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Kenya ayaa Jimcihii sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka la filayo inuu kasoo baxo Maxkamadda ICJ, ayada oo sheegtay in Maxkamadda aysan sharciyad u haysan inay kiiskan qaado.

Dhul badeedka la isku haysto ayaa dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay guul-darreysteen dhammaan wada-xaajoodyadii labada dhinac.

Dhageysigii ugu dambeeyey ee dacwadda, oo dhacay bishii March 2021, ayaa waxaa qaadacay oo dood oraaheedkii ka baaqsaday dowladda Kenya kadib markii maxkamadda ay diiday codsigii Kenya ee ahaa in mar kale dib loo dhigo kiiska.

Soomaaliya ayaa marar badan ku gacan seertay dalabka Kenya oo ah in murankan lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda iyo hab diblomaasiyadeed.