Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare oo u ambabaxay Puntland

Muqdisho (warsoor) Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa saaka ka ambabaxay Magaaladda Muqdisho.

Wafdigan ayaa ku wajahan Dowlad Goboleedka Puntland, Ujeedka Safarka ayaana ah xog ururrin dhab ah iyo xal waara sidii loo heli lahaa.

Golaha Aqalka Sare oo shalay isugu yimid shir aanan caadi ahayn kana dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa si wadar-ogol ah ku ansixiyay go’aankii Guddiga joogtada uu gaaray September 12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleed kasta guddi soo baara una kuurgala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboledyada isla markaasna xal loogu heli lahaa xaaladda hadda taagan.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.