WADDANI oo Xaflad Soo Dhaweyn ah u Sameeyey Dhallinyarta Degmooyinka Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge, Salaxlay iyo Balli-Mataan

Hargeysa – (warsoor) – Xaflad aad u ballaadhan oo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhaweynaayey boqolaal ka mid ah dhallinyarta ka soo jeeda degmooyinka Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge, Salaxley iyo weli ba Balli-Mataan, ayaa xalay ka qabsoontay hotel Guuleed ee Hargeysa.

Dhallinyartan isbedel-doonka ahaa ee aadka u tirada badan,ayaa waxa munaasibaddoodii soo dhaweynta goob-joog ka ahaa Murashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga WADANI, Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Xisbigaasi, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin aad u tira badan ku waasi oo u taagnaa soo dhaweynta iyo qaabilaada boqolaalka dhallinyaro ee isbedel doonka ah.

Qaar ka mid ah dhallinyartaasi oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay cududooda taageero ku soo biiriyeen Xisbiga WADDANI, iyaga oo sida oo kale na halkaas ka soo jeediyey cabashooyin aad u tira badan oo ay sheegeen in ay kala kulmeen Xukuumadda KULMIYE intii ay talada dalka haysay.

“Hadaanu nahay dhallinyarta degmooyinka Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge, Salaxley iyo weli Balli-mataan, waxa aanu aad ugu faraxsanahay in aanu maanta ku soo biirno Xisbiga WADDANI oo aanu aaminsahay in uu yahay Xisbiga kaliya ee inaga saari kara dhibbaatooyinka oo idil, waxa aanu aaminsahay in uu naga saari karo shaqo la’aanta, waxa aanu aaminsahay in uu wax badan noogga qaban doono garamooda ciyaaraha iyo baahiyo kale oo tira badan oo aanu qabto oo ay na badey Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE, anaga na balantayadu waxa weeye in aanu codkayaga iyo cududayada ba ku taageerno Xisbiga WADDANI.”.Ayey yidhaahdeen dhallinyartaasi.

Xoghayaha dhallinyarta iyo Ciyaaraha ee WADDANI Md.Yoonis Axmed Yoonis oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey dhallinyartaas, waxaana uu si adag u cambaareeyey dhaqano ugub ah oo wasaaradda dhallinyarta iyo ciyaarahu ay garoomo kaga hor istaagtay dhallinyartaasi.

“Hadaanu nahay mas’uuliyiinta Xisbiga WADDANI aad baanu ugu faraxsanahay dhallinyartaas quruxda badan ee nagu soo biiray, waxa aanu lee nahay gacmo furan ku soo dhawaada, waxaana aanu idiin sheegaynaa in Xisbiga WADDANI uu hoggaaminaayo nin ruug cadaaya oo doonaya in uu Somaliland oodhan isku hayo bari ilaa galbeed, waxaana aan dhallinyartii halkan ka cabaneysay ee garoomaddii laga xidhay u balan-qaadeynaa in aanu idiin dhisi doono garoomi caalami ah oo leh guud ahaan heerkii ugu fiicnaa ee lagu ciyaari jiray, barnaamij siyaasaddedkayagu na waxa uu si weyn u sheegayaa in wax ka qabashada baahiyaha kala duwan ee dhallinyarta oo ay ugu horreeyaan shaqo abuurka iyo ciyaarahu”, Yoonis Axmed Yoonis.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X.Xasan oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay dhallinyartu soo go’aansato in ay ka qeyb-qaataan talada dalkooda.

“Waxa aan si weyn u soo dhaweynayaa una mahad-celinayaa dhallinyarta tira badan ee maanta cududoodii taageero iyo mabda’ood ab la soo barbar istaagaan Xisbiga WADDANI ee doonaya in ay talada qarankooda wax ku yeeshaan oo muujiyaan cududooda, waxa aanu lee nahay soo dhawaada, aad iyo aad baanu idiin soo dhaweynaynaa, isgarabtaagiina waanu u baahan nahay, xaq baana aad u lee dihiin in aad dalka talo u yeelataan oo sida kuwa kale idin odhan mayno hoggaamiyeyaashii beri baad tihiinee, waxa aanu idin lee nahay kuwii maanta ayaad tihiin.”.Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi, “Dhallinyarta halkan joogta ee ka timi degmooyinkaas, waxa aanu marka hore ku soo dhaweynaynaa Xisbiga WADDANI, Cabashooyinkii ay halkan ka soo jeediyeena waxa ay ku metelayaan oo ay wakiil kaga yihiin guud ahaan dhallinyarada kale ee reer Somaliland, inta ay baahi sheegeen iyo dhibbaato ba ah in kaloo ka badani na waa ay jirtaa, markaa dhibbaatooyinkaas oo dhan, waxa laga ga bixi karaa uun waxa weeye in aad isbedelka ka qeyb-qaadataan oo dalka aad u doortaan hogaan hagaagsan oo dhibta ka saara umadda, Xisbiga WADDANI na taas buu u taagan yahay” .

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaah (Cirro) oo ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa isna dhankiisa soo bandhigay qorsheyaasha siyaasaddeed ee Xisbiga WADDANI u habeeyey dhallinyarta. “Waan u mahad-naqayaa guddida soo qaban-qaabisay xafladdan dhallinyarada ee degmooyinka Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge, Salaxley iyo weli ba Balli-Mataan , waxa aan u mahad-naqayaa oo kale dhammaan ba dhallinyarada aan tiradooda la qiyaasi karin ee ka soo qeyb-gashay munaasibaddan. Dhallinyaradu waa hantida umadda, umadkastana dhallinyaradeedu waxa weeye hantida ugu weyn ee umadi lee dahay, markaa dhallinyaradu waxa ay u baahan tahya mustaqbal, waxa ay u baahan tahay qaran oo uma baahna Qabiil”.

Khadar Gurayte

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.