Wada-hadaladii Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada oo dib u bilaabanaya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Xarunta teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho uu markale ka bilawdo shirka u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, RW Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo Sabtidii todobaadkaan ka bilaawday Teendhada Afisiyooni ayaa shalay hakad uu galay, waxaana Maanta Madaxda ay ka doodi doonaan Ajandaha uu ku furmi karo shirweynaha wada-tashiga doorashooyinka iyo cidda ka qeyb galeysa.

Intii uu shirka ka socday Teendhada Afisiyooni ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen in Madaxda ay isku fahmi laโ€™yihiin cidda ka qeyb galeysa shirweynaha doorashooyinka, isla markaana Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay dalbanayaan in dhamaan saamileyda siyaasadeed ay shirka ka qeyb galaan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa isha waxaa ay ku hayaan shirka teendhada Afisiyooni, iyaga oo Madaxda ku cadaadinaya inay gaaraan heshiis sahli kara in uu ku furmo Shirweynaha wadatashiga doorashooyinka.