“Waar Dalka U Tudha, Golluhuna Laba Gudoomiye Ma Laha, Hal Guddoomiye Ayuu Leeyahay, Gudoomiyihiina Waa Baashe Maxamed Faarax

Dayaxa – (warsoor) – Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay mawfiqka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee xiisada ka taagan Golaha Wakiilada JSL.

Wasiir Xaashi waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan ay guddoomiyaha rasmiga ah ee golahaasi u aqoonsan yihiin Mudane Baashe Maxamed Faarax, isaga oo sidoo kalena sheegay inay dambi tahay cidii kale ee sheegata gudoomiye-nimada golahaasi iyo cid kasta oo isu dayday inay muran galiso doorashadaasi.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ku tilmaamay inuu yahay xisbi layli ah oo aan lahayn xamil iyo dulqaad siyaadeed, Wasiirka ayaa su’aal galiyey kartida uu xisbiga Waddani ku aqbali doono najiitada doorashada Madaxtooyada hadii laga guulaysto.

Mudane maxamuud Xaashi ayaa arrimahaasi kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey maanta madal lagu qaabilay weftigii gudoomiyaha KULMIYE, oo gaadhay Magaalada Dayaxa ee gobolka Sanaag waxaannu yidhi “  Arrinta Gollaha Wakiilada waxaannu leenahay, arrintaasi mid annaga Xukuumad ahaan noo taalay maaha, waxay u teelay aqal gaar ah, wuu is doortay, annagu wax faro-galin ah kumaanu samayn, goluhu dhaqan ayuu leeyahay, waa xildhibaano siman, doorasho fiican oo nadiif ah oo sumcad weyn Somaliland u keentay ayaa aqalkaa ka dhacday, warbaahinta oo dhan baa laga daawaday, shan arrimood ayaa golaha ka dhacay oo taariikhi ah.”

“ Anigu waxaan ahaan jiray Xildhibaan golayaashu waxay ay leeyihiin muran, way isku buuqaan, waxa ay leeyihiin jaafaa jiriq, Huuh ayaa laysku yidhaa hadii la doono, kuwa ingiriiska ayey ka dhacdaa, golahaas tii ugu nadiifta badnayd ayaa ka dhacday, intaas oo dhanbaan soo taagnaa iyadoo shir-gudoon la kala dooranayo, waxa dhacday oo aan anigu gollaha ka mid ahaa iyadoo gudoomiyihii gollaha Axmed Cabdi Xaabsade fadhiyo in nin iska kacay xidlhibaan ahi ILAAHAY ha u naxariistee oo nin kale oo isna dhintay Alle ha u naxaiistee uu yidhi waar wixii ogol in Axmed Cabdi Xaabsade la ridow gacanta taaga dabadeena qaarbaa iska taagay, waa nidaam darro, aqlabiyadayadii waannu fadhinaa, hadii guddoomiyaha la ridayo nidaam ayaa loo maraa, hadii mid la dooranayo waa la yaqaan nidaamka loo maro, wixii Ogol Cabdiraxmaan Baydaaniyowna gacanta taaga, dhawr iyo sodon mudane ayaannu kaga dhaqaaqnay, dhawr iyo labaatan mudane ayaa na muquuniyey, gudoomiyihii wuxuu noqday Baydaani, Axmed Cabdi Xaabsade iyo kooxdayadii la socotayna oo aan aniggu ka mid ahaa, oo Axmed Siilaanyo iyo Maxamed Nuur Saalax (Fagadhe) ka mid yahayna banaanka ayaa naloo tuuray. Waxa na muquuniyey tiro naga yar waxay nagu muqiiniyeen nidaam aan sharci ahayn, taas ayaannu aqbalnay oo aakhirkii u soo noqnay, danta iyo Ummadda wada-jirkeeda.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa intaasi ku daray “ Golahaas waxa ka dhacay shan arrinmood oo taariikhi ah, deero deero ma hir-diyin buuq iyo sawaxan ma lahayn, isaga oo miyir qaba oo ay ka muuqato bisayl iyo waayo aragnimo ayey codka galeen guddoomiye ku xigeenkii labaad Cali Yuusuf ayaa cod qaaday, codkii markii la qaaday iyo markii la tirinayey buuq ka soo baxay ma jirin, waa laba ee garsooirhii shir gudoonka ahaa ayaa wax soo saaray, sadex guddoomihii 12 sano gollaha gacanta ku hayey ee maamulayey Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo kacay oo hambalyeeyey najiitadaa oo halkaa xilkii kaga degay, afar ninkii la tarmayey Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ah oo ninkii Baashe la tartamayey ah ayaa aqbalay oo aqoonsaday najiitadii, wuu hambalyeeyey si waayo aragnimo iyo geesino leh ayuu u hadlay, waa shan waxa soo kacay Guddoomiyihii cusbaa ee la doortay, kursigii ayuu ku fadhiistay, waa gudoomiyey shirkii wuu mahad celiyey golaha inuu isku wadanayan wuu sheegay, Golihiina wuu xidhay. Qoodhiin iyo xeradiin golahaa ay intaasi ka dhacday ee juu-juda iyo nuu-naa laga daba wado waar miyaan dunida lagu noolayn, anigu waxaa qabaa xisbiga Waddani inay guul weyn oo siyadadeed u ahayd maalintaa, aniga qiimayntayda, laakiin inay guushaa rifeen oo bakhti wareemaan ayaan u arkayey. Markaanu Waddani u faano ee nidhaa waayo arag ayaanu nahay xisbi sideed sano mucaarid soo ahaa ayaannu nahay, xisbi dhici jiray ayaanu nahay, wax weyna ayaa laga dhaxlaa, WADDANI waa xisbi layli ah, halkaas waxa ka muuqata inuu layli yahay, eraygaanu lahayn ayaa cad maanta, hadaanu layli ahayn, waxa intaa yeeshay kamuu noqdeen.”

Wasiir Xaashi waxa uu ka hadlay maqifka rasmiga ah ee Xukuumadda waxaanu yidhi “ Annagu waxaannu aamin-san nahay inuu sax ahaa codka la qaaday goobta maanu joogin laakiin adkayaanta uu guushu ku sidmo ayaanu tirinaynaa, oo ah kuwaa aan sheegay, waxaan leeyahay muranku wuxuu u ekaa markii codka la qaadayey, maanta haybada maxkamada Dastuuriga ahna in la duro maaha, iyadoo dalku uu qarka u saaran yahay doorasho, waxaan Xildhibaan Rayte la qabaa waa balaysin xun, waa sumcada Somaliland oo meel lagaga dhacayo, waxa muujinaysaa ninka taa diiday beri, najiito ka qadhaadna in aanu qaadan karin, shacbiga Somaliland wuu arkayaa, xoog iyo cududna isku muquunin karo, waxa aynu nahay Ilmaadeer siman iyo saaxiibo tartamaya waxaanu leenahay marka laydinka adkaado qaata guul darada, hadaa naga adkaataa waanu qaadaynayaa, waar dalka u tudha, golluhu laba gudoomiye ma laha, hal guddoomiye ayuu leeyahay, gudoomiyihiina waa Baashe Maxamed Faarax, anaguna xukuumadii dalka maamulaysay ayaanu nahay kaas ayaanu aqoonsanahahay, nin labaad oo sheegtaana waa dambi, in la qasaana waa dambi, gudoomiyaha Gollaha wakiiladu waa Baashe Maxamed Faarax, haday waxa kala tirsanayaan iyo haday boogahooda dhayanayaan xaq ayey u leeyihiin, Maxkamada dastuuriga ahi go’aan sax ah ayey qaadataym, waar arrintu dacwad dastuuri ahna ma ahayn mid idaari ahna ma ahayn labaas ayuubay qaadaa, waar bal Ina Sanweyne u gee, Nuur Naxar-na u gee, labadaas ayuubay qaada, waa go’aan gole arrinani mar hadii la tirnaya cid dib ugu noqotaa ma jirto.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.