‘Waar, Annagana Col Ha Nagaga Tagina, Idinkuna Ceeb Ha Taransanina!’: Qomo ka jawaabaysa muhiimadda Go’aan-qaadashada iyo Maamul-wanaagga

Saddex oday oo da’da lixdameeyada iyo dheeraad ku jira oo aan u maleeyay in ay ka yimaadeen mid ka mid ah deegaanada baadiyaha, ayaan wayso kula wadaagay Masaajid. Sheekooyin xiiso badan oo ay iswaydaarsanayeen kadib, waxa aad ii soo jiitay, sheeko ku saabsan duruufihii abaarihii dhawaa ay kala kulmeen. Sheekadaas waxa ku duugan ‘DARSI’ aad u qiimo badan oo nolosheena wax-weyn ka tari kara, gaar ahaan mas’uuliyiinta iyo ragga u tartamayaa/haya hoggaanka ummadda.

Aan bilaabo:

Mid ka mid ah odayaashaas ayaa waxa uu yidhi, “….Waagii dhawayd ee abaarta xuni inna heshay, ayaa annaga oo ku sugan banka Wajaale oo aanu baad iyo biyo u raadsannay, waxa la keenay RAASHIN ay dawladda Itoobiya ku caawisay DADKA ABAARUHU SAMEEYEEN.Raashinkaasi waxa uu ku soo beegmay xilli dadkii SOO-GUURTADA ahaa iyo kuwii DEEGAANKU ay isku mid noqdeen dhinaca duruufaha. Xoolo iyo dadba haraad iyo gaajo ayaa lala il-darnaa.

Maamulkii deegaankaas iyo guddidii abaaruhu waxa ay maalmo badan isku maan-dhaafsanaayeen habka iyo hannaanka loo qaybinayo – Ma Soo-guurtada  ayaa la siinayaa mise dadka deegaanka? Go’aankii waxa uu ku biyo-shubtay in Soo-guurtada la siiyo. Arrintaas waxa aad ugu xumaaday dadkii deegaanka oo keydkii ay haysteen annaga noogu deeqay, duruufahana aanu wadaagno. Dadkii deegaanku waxa ay ku heshiiyeen in marka raashinka la qaybiyo ay boobaan, kuna dagaalamaan.

Markii ay arrintu halkaas maraysay oo ciidan badanna la keenay, ayaan garawsaday in khatar badan ay ka soo fool leedahay go’aanka mas’uuliyiinta. Waxa aan go’aansaday in aan weedhayda ka dhiibto, waxa aan raadiyay ragga mas’uuliyiinta ah, waxa aan ku idhi; ‘Waar ANNAGANA COLAAD HA NAGAGA TAGINA, IDINKUNA CEEB HA TARANSANINA’ annigu waxa aan ka mid ahay Soo-guurtada, dad iyo xoolo, Soo-guurto iyo Deegaan duruufaha waa laga simanyahay, go’aankiina ku noqda oo ha nala simo.

Markii ay soo-jeedintaydii weeleeyeen ayay dib-u-joogsadeen, dabadeedna waxa ay ku noqdeen magaalada Wajaale. Maalintii xigtay ayay soo noqdeen iyaga oo baabuurtii oo ahaa 17 soo kordhiyay, sidii ayay qoys walba ku siiyeen Daqiiq ah, Boorash iyo Saliid ku filan muddo. Lixdan (60) qoys ayay ka go’day lixdankiina inta la kaxeeyay ayaa Wajaale laga soo siiyay. Sidaas ayuu Illaahay nagu kala badbaadiyay.

Ujeeddada qormadan koobani waxa weeyi, go’aan-qaadashada odayga iyo talooyinka uu ku dhiiraday, waxa ay kahortag u noqotay khilaaf iyo isku-dhac baaxad leh, sidoo kale, waxa ay halkaas ka abuurtay jawi nabdoon. Sidaas ayaa looga baahan yahay qof kasta, gaar ahaan dadka madaxda ka agdhaw in aanay dantooda uun eegin, ina ‘nacamleyn’ ee ay mustaqbalka ka fekeraan.

AFEEF: Odayga sheekada kama duubin, laakiin, waa sidii uu hadalka u dhigay, waxa laga yaaba in erayada qaar aanu isagu odhan ee aan anigu u fahmay.

ALLAA MAHD LEH

Mustafe Adam

kibaaro@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.