Waa Wax laga Xishoodo in la Yidhaahdo Ciidamo Dhulkoodii Jooga Naga Saara” Guddoomiyaha UCid Eng. Faysal Cali

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sheegay in urur ay ku midoobeen dad hore madax Soomaaliya uga soo noqday, ay wadaan qorshe Somaliland lagu burburinayo, oo ay ka danbeeyaan kacdoonka Laascaanood.

Waxaanu yidhi.”Waxa cad in qorshihii la doonayay in Somaliland lagu baabiiyo ee kooxda G21 ay waday in uu wali sidiisii u socdo, waxa jirta in adduunkii laga raariday barobagaandho ciida ka badan, oo wax beeniyana la waayay, madaama oo dowlada Muuse Biixi ay hada iska saqiirtayba”

Waxa uu sheegay in kooxda uu G21 ku sheegay ay sidookale qorshaynayaan in ay kiciyaan dadka reer Awdal, lakiinse ay dadka reer Awdal diideen, oo ay u sheegeen in ay xoryihiin, sida uu hadalka u dhigay Faysal.

Waxa uu sheegay in Somaliland loo adeegsaday quwado shisheeyee si loola dagaalamo, lakiin ay Somaliland xataa jaarkeedee iska eriday, isaga oo cambaareeyay eedayntii ay Somaliland u jeedisay Dowlada Deegaanka Soomaalida.

Waxa uu ku baaqay in qorshe cad laga yeesho xaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in dadka deegaanka Laascaanood iyo Somaliland anay dagaalamayn, ee xoogag kale kusoo duuleen gobolka Sool.

Faysal ugu danbayn, wuxuu hambalyeeyay millateriga Somaliland, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay dadka leh ciidanka Somaliland hala saaro “Wax laga xishoodo weeyi in la yidhaa ciidamo dhulkoodi jooga naga saara”.