Waa Doorashada Somaliland waa inay Noqotaa mid ka turjumaysa Bisaylkeenna Dimuqraadiyadeed

Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka waa tii toddobaad ee ka qabsoonta dalkan Jamhuuriyadda Somalilandย  tan iyo dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland ee sannadkii 1991kii.

Sida aynu la wada soconno waxa 31ka May ee sannadkan 2021 dalka ka dhici doonta doorasho isku sidkan oo aan nooceedu hore u soo marin Jamhuuriyadda Somaliland, waayo waxa aynu hore u geli jirnay hal-hal doorasho oo haddana dhaqaale badan oo dhiig bax qaranka ku ahi ay ku bixi jirtay.

Doorashadan oo culayskeeda leh marka laga eego tirada murrashaxiinta oo noqonaya 993 Murrashax, halka muraaqibiinta xisbiyada oo kaliyi ay gaadhayaan 9000 oo muraaqib, taasi oo ay dhaqaalaheeda u bacbac dhigtay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Shir muhiim ah oo bud-dhig looga dhigayey xoojinta geddi-socodka doorashooyinka ayaa shalay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku martigeliyey Madaxweyne Ku-xigeenka, Guddoomiyeyaasha xisbiyada Mucaaridka, Komishanka Doorashooyinka, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxa la isla qaatay in duruuf kasta oo timaada aanay doorashooyinku dib u dhicin ee ay ku qabsoomaan dharaartii loo asteeyey oo ku beegan Maalin Isniin ah oo bisha May tahay 31.

Sidaas darteed, waxa shacbiga Somaliland ee codbixiyeyaasha ah iyo murrashaxiintaba looga baahan yahay inay si hufan ugu diyaar garoobaan doorashadaasi isla markaana ay ku coddeeyaan si nabadgelyo ah.

Beesha caalamka ayaa u aragta Jamhuuriyadda Somaliland iftiin dimuqraadiyadeed oo ka soo if baxaya gobolka Geeska Afrika, taasi oo aynu ku kasbanay furnaanta dimuqraadiyada ka jirta Somaliland waana daruuri in laga feejignaado wax kasta oo gaagixin kara. Jamhuuriyadda Somaliland kuma cusba doorasho ee waxa ay hore u soo martay lix doorasho oo si xor iyo xalaal ah u dhacay, isla markaana ay ka marag kaceen kor joogtadii caalamiga ahayd, doorashooyinkanna waxa ay u qabsoomi doonaan.

Qore: Maxamed Siciid Muxumed