Dagaalyahanadda Taliban Oo Xukun Dil Ah Fulisay

Afganistaan – (warsoor) – Maxkamad ay Talibanku leeyihiin, ayaa xukun dil ah ku fulisay haweeney gobolka Jowzjan ee dalka Afghanistan.

Afhayeenka guddoomiyaha gobolka Jowzjan, Mohamed Riza, ayaa BBC-da u sheegay in haweeneydaas ay Talibanku dileen labo bil ka hor, iyagoo ku eedeeyay in ay ninkeeda dishay.

Muuqaal ka yar shan daqiiqo oo Video ah soona baxay shalay galinkii dambe, ayaa lagu arkay dad gaaraaya labo boqol oo rag ah oo dhageysanaya hoggaamiyaha Taliban oo ku dhawaaqayay go’aanka.

daalibaan

Haweeney dhulka fadhiday oo xirneyd indho-shareer, ayaa qiratay inay dishay ninkeeda. Haweeneyda ayuu nin xagga dambe kaga yimid si dhow madaxa uga toogtay, waxayna jirtay dhowr iyo kontan iyadoo caruurteedu koreen.

Madaxda Afghanistan ah, waxa ay aqoonsaday hoggaamiyaha Taliban iyagoo sheegay in haatan ay magaalada ku jirto gacanta dowladda..

Afar sano ka hor, ayaa muuqaal muujinayay haweeney loo dilay gogol dhaaf keenay caro baahday oo caalamka oo dhan ah.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.