Ururrada siyaasadda Puntland & Codadka ay ka heleyn Doorashada Ufeyn

Puntland – (WARSOOR) – Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka qof & codka ah laguna tijaabiyay Degmooyinka Qardho, Eyl & Ufeyn ayaa shaaciyay Natiijooyin hordhac ah oo muujinaya codadka ay kala heleyn Ururrada ku loolamaya Kuraasta Golaha Deegaanka.

Codeynta Doorashada oo socotay 12-saac ayuu Guddigu shaaciyay natiijada hordhaca ah ee Degmada Ufeyn, Xisbiyada qaar ayaa codad ka waayay Sanaadiiqda laga soo qaaday 11-goob ee codeynta ka dhaceysay.

Haddaba Xisbiyada Puntland sidee ayay u kala heleyn Codadka Shacabka Degmada Ufeyn?

Ururka (Run & Cadaalad) oo lagu bilaabay shaacinta Natiijada ayaa 11-ka Goob doorasho isu geyn guud ahaan ka helay 46-Cod.

Ururka Shaqaalaha (Xoogsatada) ayaa goobaha qaar ka waayay shacab u codeeyo wadarta guud waxa uu helay 13-Cod sida uu shaaciyay Guddiga Doorashada KMG ah ee DG Puntland.

Ururka (Dhalinyarada) ayaa dhumiyay 6-kamid ah 11-deegaan doorasho ee Degmada Ufeyn, natiijada guud uu ka helay Doorashada ururkaan ayaa ah 11-cod.

Ururka 4-aad waa (Cadaalad & Sinnaan), waxa uu isu geyn 11-ka goob doorasho ee sanaadiiqda la dhigay degmada Ufeyn ka helay codad badan oo gaaraya 1248-cod.

Urur siyaasadeedka (KAAH) uuna hoggaamiyo Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa codad aad u badan ka helay 11-ka deegaan Doorasho wadarta guud ee uu hantay waa 1687-Cod.

Urur Siyaasadeedka (Mideeye) oo cabasho ka keenay sida loo maamulay Doorashada ayaa natiijada guud ee helay ah 1300-cod sida uu shaaciyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka tijaabada ah ee Puntland.

Urur siyaasadeedka (Mustaqbal) ayaa oo meelaha qaar ka helay codad tiro ahaan aad u yar, kaalmaha dhexe ayuu soo tiigsaday waxaana guud ahaan uu heystaa 192-Cod.

Urur Siyaasadeedka (Horseed) oo qudhiisa aan qanaaco ka muujin doorashada tijaabada ah ee Degmooyinka Qardho, Eyl & Ufeyn ayaa wadarka guud isu geynta codeynta 11-ka goob ka helay 180-Cod.

Urur Siyaasadeedka (Ifiye) ayaa helay codadka ugu yar ee Shacabka doorashada ugu dareeyay Degmada Ufeyn, 8-Cod ayuu ka helay 11-ka goob ee codeyntu ka dhacday.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Qof & Codka ah ee DG Puntland ayaa laga sugayaa in uu ku dhawaaqo natiijada hordhaca ah ee Degmooyinka Qardho & Eyl, Xisbiyada ayaa sugaya natiijadaas.

Degmada Ufeyn waxaa guud ahaan ka codeeyay 5366-ruux, waxaana si wanaagsan u cod-bixintooda u dhiibtay 4739-ruux, halka ay xumaadeen 598-cod halka lagu muransan yahay 29-kale, sida uu shaaciyay Guddiga Doorashada KMG ah ee DG Puntland.