Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Saxafiyiinta Ugu Baaqay In Ay Ka Digtoonaadaan Tebinta Natiijo Aan La Hubin

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Guddoomiyaha ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed oo warbaahinta kula hadlaayay ayaa guud ahaan saxaafadda Somaliland noocyadeeda kala duwan uga digay in ay baahiyaan natiijo aan ka soo bixin komishanka doorashooyinka qaranka oo ah cida kaliya ee laga soo xigan karo natiijadda rasmiga ah ee doorashadii goleyaasha wakiilaladda iyo degaanka ee shalay dalka ka qabsoontay.

Guddoomiye Sakariye Axmed wuxuu intaas ku daray in haddii ay warbaahintu tebiyaan natiijo aan si rasmi ah uga soo bixin komishanka doorashooyinka qaranku ay noqon doonto mid bulshada ku abuurta khal-khal, saamayn ku yeelan kara ammaanka.

Ugu dambayn Sakariye Axmed Muxumed guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu guud ahaan warbaahinta Somaliland ku bogaadiyay sidii ay uga hawl-galeen tabinta wararkii la xidhiidhay doorashadii isku sidkanayd ee goleyaasha wakiillada iyo degaanka, waxaanuu intaas ku daray in warbaahinta Somaliland ay muujiyeen dadaal.