Ururka Geediga Horumarka Dhalinyarada Somaliland Oo Ka Qayb Qaatay Qaadhaan Uruurintii Qaran ee 18 May

Hargeysa – (warsoor) – Ururka Geediga Horumarka Dhalinyaradda Somaliland ayaa ka qayb-qaatay qaadhaankii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqay in lagaga qayb-qaato xuska 18 May ee maalinta gooni isu taaga Somaliland. Dhalinyaraddan ayaa soo uruuriyey qaadhaan lacageed oo dhan $295.

Gudoomiyaha ururkan oo war-saxaafadeed u diray warbaahinta ayaa u dhignaa sidan:

“Assalamu calaykum, salaan kadib angoo Xamse Naasir Carab ahna Gudoomihaya Ururka Geediga  Horumarka Dhalinyarada Somaliland waxaan halkan mahadnaq ballaadhan uga soo jeedinayaa geediga horumarka dhalinyarada somaliland oo ah dhalinyaro isku tashatay iskoodna isku xilqaamay isla markaana mar walba ka shaqeeya horumarka dhalinyarada iyo guud ahaanba iyo qarankani gaadho hiigsiga iyo himilada uu leeyahay.

Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu amray dhamaan shacbi weynahana jamhuuriyada Somaliland inay Munaasibadihii 18 May u baddalaan qaadhaan uruurin iyo in dadkeena abaaruhu sameeyeen layskaga kaashado sidii wax loogu qaban lahaa waxna loo tari lahaa.

Hadaba iyadoo amarka Madaxweynaha aanu fulinayno ayaa waxaa ururka geediga horumarka dhalinyarada somaliland ayaa waxaanu ka hawlgalnay Degmada Axmed Dhagax iyo dhamaan xaafadaha hoosyimada iyadoo aanu guri guri ugu garaacnay isla markaana aanu ka soo uruurinay qaadhaan gaadhaya 800,000 oo Shiling ka Somaliland ah iyo $195 Dollar qaadhaan oo guud ahaan gaadhaya ilaa    $ 295 Dollar. waxana aanu ka soo qaadaynay qofkastaaba waxa uu karayo isla markaana uu iska jari karayay iyadoo dadweynihii Degmada iyo Xafadahaasiba ay si wanaagsan noo soo dhaweeyeen isla markaana noo qaabileen si ay ku dheehantahay farxad iyo inay u diirnaxayaan dadkooda abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale waxaan halkan mahadnaq ballaadhan uga jeedinaya Dallada SONYO Gaar ahaan Agaasimaha Dallada SONYO iyo Sahra Kiin oo ka tirsan Maamulka sare ee SONYO UMBRELLA,  waxaanay noo qaabileen si wanaagsan markii aanu ula tagnay inaanu ka qayb qaadano dhalinyarada 1000 ka qof ka kooban ee maalinta xuska 18 May ka shaqaynaysa hawlaha taburaacda iyo qaadhaan uruurinta, waxaanan leeyahay dadaalkiina halkaa ka wada  waxaanan aaminsanahay in dallada SONYO ay dadaal ugu jirto sidii ay iskugu xidhi lahayd dhalinyarada somaliand meel kastooy joogaanba.

Ugu dambayn anoo ah Gudoomiyaha Geediga Horumarka Dhalinyarada Somaliland waxaan halkan baaq iyo bogaadin uga dirayaa shacbiweynaha Somaliland Qurbajoog iyo Qolqoljoogba sidii wanaagsanayd ee ay ugu gurmadeen dadkooda abaaraysan isla markaana u baahan imika in dibu dejin loo sameeyo lana xooleeyo, sidoo waxaan iyadana si gaara u bogaadinayaa xafladii qiimaha lahayd ee ka dhacday madaxtooyada jamhuuriyada Somaliland taasoo qaadhaan ka badan 3 Million Dollar loogu uruuriyay dadkaa tabaalaysan, iyadoo aanay wali fari ka qodnayn hiigsiguna yahay 10 Million in la uruuriyo si dadkaa loogu sameeyo dibu dejin. waxaan gabagabadii leeyahay Shacbi iyo xukuumadba aynu isku tiirsanaano isna kaashano.

Gudoomiyaha Geediga Horumarka Dhalinyarada Somaliland.

Mudane Xamse Naasir Carab [ Xamse Hindi ]

Hamzenazir3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.