UNHCR oo ka hadashay colaadda Gaalkacyo

UNOCHA – (warsoor) – Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga adduunka ayaa sheegaysa in 11 qof lagu dilay dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay dagaal muddo usbuuc ah u dhaxeeyay gobolada Galmudug iyo Puntland.

unocha

Dagaalkan ayaa hay’addu waxa ay sheegtay in ay ku barakeceen ku dhawaad 50,000 oo qof.

Xiisadda u dhaxaysa labada dhinac ayaa kacsanayd tan iyo markii maamulka Galmudug ay ku eedeeysay Puntland in ay macluumaad khalad ah u gudbisay mareykanka oo markii dambe duqeeyay Ciidamo ka tirsan Galmudug.

Mareykanka ayaa sheegaya in uu baarayo dhacdadaasi.

Labadan dhinac ayaa sidoo kale ku muransan qaybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo oo u kala qaybsan labada dhinac.

Dhanka kale, ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa billaabay dadaal lagu joojinayo colaadda Gaalkacyo, waxa uuna socdaal nabadeed uga billowday maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay u dhaxayso colaadda ka taagan Gaalkacyo.

Xigasho: BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.