“Umaanu iman Taleex in aanu qabsano, iyo in aanu cid cabudhino. Waxaanu u nimid in aanu walaaladayo kala celino isu dabaalno oo isu ladqabayno” Wasiirka Madaxtooyada JSL

Taleex – (warsoor) – Weftigii Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE ee ay hogaaminayeen Gudoomiyaha, ahna Murashaxa Xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo shalay gaadhay Degmada Taleex Gobolka Xasimo.

Xubnaha weftiga ayaa soo dhawayn balaadhan halkaasi kala kulmay, kulana la yeeshay Madaxda dhaqanka Gobolkaasi, weftiga ayaa xalay u hoyday Taleex markii horaysay Taariikhda Somaliland ee madax heerkaasi ahi ay u hoydaan Gobolka Xaysimo.

Wasiirka Madaxtooyada JSL Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa madaxda weftigaasi oo ka hadlay goob fagaare ah ayaa sheegay in Ciidama Somaliland aanay deegaankaasi u joogin inay qabsadaan balse ay u joogaan nabad iyo horumar sidii ay uga dhalin lahaayeen.

Mudane Maxamuud xaashi ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa  “Waxanu ka mahad celinayaa sidii diiranayd ee gobonimada lahayd ee aad noo soo dhawayseen, mar labaad waxaanu ku farax sanahay in maanta ILAHAY qadaray in aanu nimaadno magaalo madaxdii gobolka Xaysimo ee Taleex oo aynu halkan ku kulanay, waxaanu ka xunahay wakhtiga aanu nimid oo ah wakhti abaar ah duruufo adagani ay gobolka ka jiraan, waxaanu ugu soo dhiiranay in aanu dareenkaas idinla qaybsano, waxa laga yaabaa in dadka qaarkii uu ku habrado waar hadaanad wax weyn wadin ha tagin, laakiin anaga oo aan wax weyn wadin waxaanu ka door bidnay in aanu dareenka idinla wadaagno, isha iyo adinka daalino.”

“Gobolkani waa gobol taariikhda Somaliland ku jira, Xukuumadda KULMIYE ee uu Axmed Siilaanyo madaxweynaha ka yahay waa gobolka kaliya ee ay samaysay intii ay tallada dalka qabatay, markaa xaysimo waxay ka mid tahay midhahayagii, waxaanu qiraynaa in magacowga marka laga imaado gobolkan wax weyn lagama qaban, Gobolkan horumar balaadhan kamaanu samayn, sababtana waxa keenay laba arrimood, kow waxaanu mashquul ku ahayn gobolka Sool oo galbeed ka xiga oo isaga qudhiisa aan wax badan laga qaban ayaanu is nidhi xooga saara, hantideenuna waa yar tahay, halkaas wakhti badan ayaanu ku luminay oo aan is leeyahay sax bay ahayd. “

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena yidhi “ Ta labaad waxa ay tahay halkan iyada laftigeeda xooga kaliya ee aanu galinay waxa uu ahaa xoog nabadeed, shaqaaqooyinbaa ka dhacay dad walaalo ah ayaa dhibaato dhex martay, waanu u soo gurmanay, umaanu iman Taleex in aanu qabsano iyo in aanu cabudhino cid, waxaanu u nimid in aanu walaaladayo kala celino, isu dabaalno oo isu lad-qabayno, markhaati ayaad nooga tihiin. dadaal badan ayaa ku luma marka meel ciidamo badan la keeno, waxa  naga go’an in aanu maal galino dadaalka nabada iyo dhexdhexaadinta dadkaa walaalaha ah, dadku way is qabtaan carab iyo labadiisa daan ayaa isugu dhaw oo way isku dhacaan.  Labadaa qoys ee walaalaha ah cid iska dhawi ma jirto, labadoodii caaqilna waa kuwaa fadhiya, Cabdirashiid iyo Cabdiqaadir, waxaanu dhiiri galinaynaa in nabadooda la dhamays tiro, oo laga xaalo wixii dhacay, waanu ku hambalyeynaynaa laba ardaa iyo qoorweynta kale in maanta aanay dhibaato jirin oo nabad lagu fadhiyo, xogogaal baanu ka nahay Xukuumadii dalka ayaanu nahay wax na seegani ma jiro. Laakiin waxaanu leenahay waa in wixii idin dhex yaalay aad dhamaysataan.  Arrimahaasi werwer ayey nagu hayaan, waxaanu diyaar u nahay in aanu meel marino oo aanu masuul ka noqono kharash kasta oo ku baxaya nabadaynta Xaysimo,Taleex iyo dadkaa walaalaha ah.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay ka go’an tahay wakhtiga inay horumar ka abuuraan gobolka waxaanu yidhi “ Gobolkan waxa la joogaa wakhtigii aanu dawladayn lahayn, waxaanu diyaar u nahay in aanu gobolkan dawladayno, odhan mayno malab ayaanu ka soo daadinayaa Cirka iyo buuraha itaalkeenu waa yar yahay marba in ayeynu qabanaynaa, salaanka horumarka ayeynu abuuraynaa Xatabadba marnaynu saaraynaa, ciidan boolis aha ayaanu ka samaynay, waanu qalabaynaa ciidankaa, waxa kale oo aan hambalynaynaa ciidanka Deegaanka ee halkan jooga ee nabada sida wanaagsan ugu shaqeeyay, ciidankaa iyagana waanu tababaraynaa darajooyin ayaanu siinaynaa waana la qalabaynayaa ciidan qaran ayaanu ka dhigaynaa, heshiisyadii Awr-boogays ayey ku jirtay arrintaa waanu fulinaynaa.”

“ Waxanu maanta Taleex ka dhagax dhigi doonaa dhismayaal aanu hada bilaabayno oo aan been iyo indho sarcaad ahayn oo run ah, Taleex waa Xaysimo magaalo madaxdeedii iyada ayeynu ka bilaabaynaa horumarka, waxaanu halkan ka dhagax dhigaynaa Xaruntii gobolka, oo noqonaysa xarun qiimo leh, iyo xaruntii taliska Booliska iyo saldhigii, bisha koowaad ayaa la bilaabayaa, arrintaasi waxay sal u tahay in amaanka gobolka la sugo, waxa kale oo mashaariicda ku jira dayac tirka xarunta dawlada hoose, iyo dayac tirka xaruntan aynu maanta ku sugan nahay.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.