Ukraine: Ku dhawaad 40 qof ayaa ku dhintay weerarka militariga ee Ruushka

Yukraynk – (WARSOOR) – La taliyha madaxweyne Yukrayn Oleksiy Aristovich ayaa sheegay maanta oo Khamiis ah in ilaa 40 qof ay ku dhinteen weerarka Ruushku kusoo qaaday dalkiisa.

la taliayaha madaxweynaha Ukarayn ayaa intaas ku daray inay jiraan tobaneeyo kale oo dhaawacmay, isaga oo aan ka bixin faahfaahin dheeraad ah.

Madaxweynaha Ukrayne Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay dadkiisa inay is difaacaan oo aysan is dhiibin.

Dhanka kale, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa arooranimadii maanta oo khamiis ah ku dhawaaqay in dalkiisu howlgal milateri ka billaabay gobolka Donbas ee bariga Ukrayne.

Inta badan dowladaha caalamka ayaa canbaareyayay faragelinta iyo weeararka uu Ruushku ku qaaday dalka Yukrayn.