UK oo qalab ciidan oo dheeraad ah u direysa Ukraine

IngiiriisKa – (WARSOOR) – UK oo qalab militari oo dheeri ah siineysa Ukraine, sida uu xaqiijiyay ra’iisul wasaaraha dalkaas, mar uu telefoonka kula hadlay madaxweyne Volodymyr Zelensky.

Boris Johnson ayaa Mr Zelensky u sheegay, in gawaari badan oo gaashaaman, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hubka taangiyada loo diri doono Ukraine, waxaa sidaasi sheegay afhayeen u hadlay Downing Street.

Mr Zelensky ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha tababarka in ka badan 20 askari oo Ukrain ah oo toddobaadkii hore gaaray UK.

Ukrain ayaa ruushka uu ku soo duulay labo bilood ka hor.

Mr Johnson ayaa sidoo kale xaqiijiyay in toddobaadka soo socda ay UK dib u fureyso safaaradeeda ku taalla magaalada Kyiv, tallabadaas oo markii ugu horreysay lagu dhawaaqay Jimcihi.

Afhayeenka nambarka 10-aad ayaa sheegay, in tani ay muujineyso “taageerada iyo garab istaagayada ay UK la leedahay shacabka Ukraine”.

Askarta Ukraine ee tababarka ku qaadanaya UK ayaa la barayaa sida ay u isticmaali karaan 120 baabuur oo gaashaaman, kuwaas oo loogu talagalay in ay iska caabiyaan ciidamada Moscow ee duulaanka ku ah Ukraine, dowladda ayaa sidaasi sheegtay.

Madaxweyne Zelensky ayaa Mr Johnson uga warbixiyay xaaladda Donbas, halkaas oo Ruushku uu xoogga saarayay dadaalladiisa militari maalmihii la soo dhaafay.

Labada hogaamiye ayaa dhaleeceeyay weerarada joogtada ah ee ciidamada Ruushka ay ku beegsanayaan bartilmaameedyada rayidka, oo ay ku jiraan Mariupol, Odessa iyo Lviv.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay Mr Zelensky, in Ruushka lagula xisaabtami doono falalkiisa iyo in dowladda UK ay gacan ka geysaneyso uruurinta cadeymaha ee dambiyada dagaalka uu geysanayo Ruushka.

”Waxaa kale oo uu Johnson u sheegay madaxweynaha, in uu cusboonaysiiyay cunaqabataynta cusub ee UK ee ka dhanka ah xubnaha milatariga Ruushka”, Downing Street ayaa sheegtay.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay, sidii UK ay ula shaqayn lahayd saaxiibbada, si loo horumariyo xalka amni ee mustaqbalka fog ee Ukraine, iyagoona ka wada hadlay wadahadallo lala yeelanayo waddamo kale iyo kooxo kale, si loo bixiyo taageero maaliyadeed oo dheeraad ah, oo uu ku jiro shirkii wasiirrada maaliyadda ee G7 ee dhacay Arbacadii la soo dhaafay.

Waxay sidoo kale isku raaceen, muhiimadda ay leedahay in la sameeyo xabbad joojin iyo marino bini’aadannimo, si loogu ogolaado dadka rayidka ah inay ka baxaan magaalada go’doonsan ee Mariupol.

Wadahadallada ayaa yimid iyadoo saraakiisha Ukraine ay sheegeen, in ciidamada Ruushka ay bilaabeen inay weeraraan warshad biraha sameysa oo ku taalla magaalada dekedda ah ee la duqeeyay, taasoo u muuqata inay meesha ka saartay mowqifkii ugu dambeeyay ee difaacyada Ukraine.

Qiyaastii 1,000 qof oo rayid ah ayaa weli ku go’doonsan warshadda Azovstal oo ay weheliyaan 2,000 dagaalyahano halkaa ku haray.

Madaxweyne Zelensky iyo hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa labadooduba lagu wadaa inay la kulmaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres toddobaadka soo socda, iyadoo la filayo in ajandayaasha ay ku jiraan, in la helo marino bani’aadannimo, si loogu oggolaado rayidka inay ka baxaan Mariupol.

Shir jaraa’id oo uu gelinkii dambe ee shalay ku qabtay Kyiv, ayaa Mr Zelensky wuxuu ku sheegay inuu “ku qanacsan yahay” heerka taageerada militari ee ka imaaneysa UK.

“Waxaan rabnaa wax ka badan inta nala siiyo, laakiin waan ku qanacsannahay,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“Ma diidi karno, mana kahor imaan karno wax kasta, inta uu socdo dagaalka, gargaarka ugu weyn ee militari, kaas oo ka imanaya Maraykanka iyo Ingiriiska.

“Waxaa jira saaxiibbo kale oo badan oo Yurub ah, laakiin waxaan ka hadlayaa miisaanka caawinta, waanan uga mahadcelinayaa.”