UK Oo Mashaariic Hormarineed Ka Hirgalisay Degmada Waajid

Bakool – (warsoor) – Degmada waajid waxay ka mitahay Degmooyinka Gobolka Bakool, waa Degmada keliya ee ka tirsan Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya  oo ay Go’doomiyeen Dhammaan waddooyinka soogalaya maleeshiyaadka Al-shabaab,Taas oo saameeyn weyn kuyeelatay Bulshada degmada Waajid Kadib markii ay waayeen edegyada lamahuraanka u ahaa noolsha aadanaha, Sida Waxabarashada  iyo Caafimaadka.

Degmada Waajid ayaa 90Km dhinaca bari ka gabeegan Magaalada Xuduree xarunta Gobolka Bakool, iyadoo wali laga dareemayo saameynta xoogga leh ee uu ku yeeshay Go’doonka waddooyinka ee hore ay Al-shabaab u galiyeen.

Dawladda UK oo u soo wakiilatay Qaarkamid ah hay’adaha Qaramada midoobey ayaa waxaa ay ka hergalisay Dhismooyin iskugu jira Suuq weeyn oo lagu iibiyo Hilba Xoolaha iyo Qudaarta, Xarun Adeegga Garsoorka, Ceel Biyoodyo ladayactiray, iyo beero  aad uqurxbadan oo Bulshada lagu dareensiinayo in ay faa’ideystaan Kheyraadka Dhulkooda Hooyo.

deeqa_uk

Saraakiil ka socotay Hay’adaha fulinayay Mashaariicdaasi oo maanta Gaarey Degmadaasi, ayaa Xaruunta Degmada Kulan kulan kula qaatay si ay ugu wareejiyaan mashaariicda ay degmada ka hirgaliyeen.

 Cabdilaahi Aadan Sanqoor  oo ah gudoomiyaha degmada Waajid ayaa ka mahadceliyay Mashaariicda UK ay ka fulisay degmada isagoo sheegay in wali aysan fari ka qodneyn baahiyaha ka jira degmada sida adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada.

“Aad ayey Farxad noogu tagay manta in xariga laga jero Qaar kamid ah Mashaaricihii Dawladda UK ay kafulisay Degmada Waajid, Wali baahiyo Farabadan ayaa jiro, Waxaan ka codsanaynaa hayadaha kale ee samafalka in ay caawiyaan dadkan Ku dhibaateysan degmadan Go’odoonka kujirta”ayuu yidhi Mudane Sanqoor.

Caasho Sheikh Cabdilaahi oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Waajid ayaa sheegtay in dagmada ay go’doonsaneyd muddo dheer maantana laga dareemi karo isbadal weyn, ayna lagama maarmaan tahay in ganacsatada iyo siyaasiyiinta u dhashay deegaan in ay maalgashi ku sameystaan.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.