Ujeedka Kulan Hadhimo Sharafeed ah oo Guddoomiye Cirro oo Hargeysa ugu Wada-Sameeyey Hoggaanka Xisbiga iyo Bahweynta Siyaasiyiintii Dhawaan Ku Soo Biiray WADDANI

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hadhimo sharafeed aad u ballaadhan u sameeyey garabaddii Isbahaysiga dimuqraadi doonka KULMIYE, siyaasiyiintii uu horkacaayey Ismaaciill Hurre Buubaa ee Koonfurta Hargeysa iyo weli ba  mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan ku waasi oo dhammaantood maalmo ka hor ku soo biiray Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

a-9

Kulankan oo uu ka soo qeyb-galay guddoomiye Cirro, ayaa ujeedkiisu ahaa siddii ay isu baran lahaayeen siyaasiyiintii dhawaan ku soo biiray Xisbiga iyo weli ba xubnaha hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxa kale oo ujeedka kulankani uu daarnaa siddii la iskaga xog-waraysan lahaa hawlaha Xisbiga loo na dar-dar gelin lahaa isku duubnimada iyo wada-shaqeynta Xisbiga si loogga midho dhalliyo hadafka iyo himilada Xisbiga WADDANI.

Mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta bahweynta Xisbiga WADDANI ee kulankaas iskugu yimi, ayaa waxa ay is waydaarsaddeen aaraahyo badan oo ku qotomay siddii Xisbiga WADDANI uu ugu guulaysan lahaa Doorashada Madaxtinimo ee soo socota, isla mar ahaantaana qaranka Somaliland loogga badbaadin lahaa hadimooyinka iyo dhibbaatooyinka uu ku soo wado Xisbiga KULMIYE.

a-6 a-5 img_1679

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.