Ugaandha oo ciidamo hor leh u soo diraysa Somaliya

Ugandha- (Warsoor)-Dowlada Ugandha ayaa ciidamo kale oo gaadhaya ku dhowaad ( labo kun) 2000 oo askari  u soo direysa Soomaaliya kuwaasoo qeyb ka noqon doona howgalka  ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika hoos yimaada .

Ciiddanka cusub ee la soo diraayo Somalia ayaa la sheegay inay tiradoodu dhan tahay 1,845 Askari, kuwaasi oo tababar loogu soo xidhay xero milateri oo ku taalla dalka Ugandha.

Taliyaha ciidanka difaaca Uganda, Jeneral David Muhozi ayaa ugu baaqay Ciidamadda cusub inay noqdaan Askar waajibadkooda guta , kuna xad-gudbin Xuquuqda iyo dhaqamada dadka Soomaalida ee howgalka ka fulindoonaa deegaana hoos yimaada sectarka ay maamulidoonaan .

Afhayeenka Ciiddanka Uganda ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka UPDF, Jeneral David Muhoozi calanka Baaqa Bixitaanka u laalaadiyey Ciiddanka ka mid noqonayo Hawlgalka AMISOM.

Ciidamadan ayaa todobaadyada soo socda loo soo dirdoonaa  Soomaaliya, iyadoo wararku sheegayaan iney ka howlgeli doonaan magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Ugandha ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamada ku leh howlgalka AMISOM ee ka socda Somalia, waxaana dagaalada ay kula jiraan kooxda Al-shabaab looga dilay boqolaal askari mudadii tobanka sano aheyd ee ay dalka joogeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.