Turkiga, Ruushka iyo Iiran oo ka shiraya xaaladda Suuriya

Turkey – (warsoor) – Xilli dowladaha Reer Galbeedka ay lumiyeen saamaynta ay ku lahaayeen Suuriya, xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna ay isku mari waayaan xaaladda dalkaasi, ayaa Turkiga, Ruushka iyo Iran waxa ay buuxiyeen kaalinta bannaan.

Hogaamiyayaasha saddexdaasi dal ayaa maanta ku kulmi doona caasimadda Ankara si ay uga wadahadlaan iskaashiga ay ka yeelan karaan nabad kusoo dabaalidda Suuriya inkastoo ay kala duwan yihiin ujeedooyinka ay ka leeyihiin dalkaasi.

Turkiga ayaa diiddaan xukuumadda Suuriya ee ay taageeraan Ruushka iyo Iran, waxaana uu gacan siiyaa jabhado ay la dagaallamaan xukuumadaha Tehran iyo Moscow.

Balse Turkiga ayaa hadda mudnaanta siinaya dagaalka uu kula jiro Kurdiyiinta Suuriya waxaana uu garab uga baahan yahay Ruushka iyo Iran si uu u jebiyo kooxahaasi.

Arimaha kale ee ay isku hayaan dalalkan ayaa waxaa ka mid ah gobolka Idlib oo uu Turkiga taageero mucaaradka halkaa ka dagaallama, balse ay suuragal tahay in dhawaan Ruushka iyo xukuumadda Bashar Al-Asad ay duqeymo ka geystaan gobolkaasi.

Quwadaha caalamka ayaa kala qeybiyay Suuriya oo uu hadda ka socdo dagaal dhinacya badan leh. Turkiga, Ruushka iyo Iran-na waxa ay arkaan fursad ay ujeedooyinkooda kaga gaari karaan dalkaasi burburay.

 

Xigasho: BBC SOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.