Turkiga oo Bilaabay Inuu Hirgaliyo Heshiiskii Midowga Yurub ee Muhaajirtiinta Dib Looga Soo Celinaayey Giriiga

Giriiga – (warsoor) – Iska hor imaad ayaa dhex maray dadka muhaajiriin ah iyo ciidamada Amaanka ee Giriiga ka dib markii maanta oo Salaasa ah laga markab oo xaqooti ah dib loogu celiyey dalka Turkiga. Dad muhaajirin ah ayaa dhagaxaan ku weerary ciidamadda Booliska Giriiga kuwaasi oo diidan in dib loogu celiyo Turkiga.

Afhayeen u hadlay ciidamadda booliska Giriiga ayaa sheegay in dadka Muhaajiriinta ahi ay dhagaxaan iyo gobolo biraha ah ku tuurtuureen ciidamada Booliska Giriiga wax yar uun ka hor markii ilaa 200 oo dhalinyaro ahi ay burburiyeen xayn-daabkii xeryaha xaqootiga ee ku yaalay Giriiga, kuwaasi oo ka gadooday xaaladda kaamka ay ku noolaayeen iyo celinta dib loogu celinaayo dalka Turkiga oo markii hore qaarkood ay ka soo galeen Giriiga.

xaqootiga_yurub

Ururadda u dooda xaquuqal Insaanka ayaa sheegay inay walaac xoogan ka qabtaan sida ay noqon doontoa xaaladda dadka ku jira xeradda xaqootga ee Moria ee dalka Talyaaniga oo hasytaa dad tiradoodu ka badan tahay ilaa 3,000 oo qof.

Tan iyo markii midowga Yurub iyo dawladda Turkigu ay ku heshiiyeen bishii March 2016 in xeryo xaqooti uga samayso Turkiga dadka u soo tahriibaya Yurub, waxaa bishii April 4, 2016 ilaa hadda dib loogu celiyey Turkiga ilaa 340 qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.