Turkiga iyo Israa’iil oo heshiiyay

Turkiga – (warsoor) – Baarlamaanka Turkiga ayaa meelmariyay heshiis ay xukuumadda Ankara la gaartay Israa’iil, kaasoo lagu soo afjarayo khilaafka dhanka diblomaasiyadda ah oo socday lix sano.

Ankara ayaa ka carootay markii sanadkii 2010 ay ciidanka Israa’iil dileen 10 muwaadiniin Turki ah, kuwaasoo saarnaa markab gargaar bani’aadannimo u siday Gaza, isla markaana lagu jabin rabay go’doominta ay Israa’iil ku hayo deegaankaasi.

Falkaasi ayaa waxaa si weyn u dhaliilay beesha caalamka.

Heshiiska oo ay horay u ansixiyeen golaha wasiiradda Israa’iil, ayaa waxa ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi ay heli doonaan magdhow, halka Turkigana uu bilaabi doono mashaariic wax looga qabanayo xaaladda bani’aadannimo ee Gaza.

Waxaa weli sii jiri doona go’doonti ay Israa’iil ku hayso marinka Gaza.

Xigasho: BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.