Tunisa oo Garaacday France, Balse Hadhay iyo Australia oo u Gudubtay Wareega 16-ka Koobka Adduunka

Xulka Tunisia ayaa nasiibka uu ka hiiliyay ka dib markii ay ka hareen Koobka Adduunka inkastoo ay 1-0 kaga badiyeen xulka difaaca koobka ee France oo mar hore sii xaqiijistay soo bixitaankooda.

Gool uu dhaliyay Wahbi Khazri ayay Tunisia kaga badisay xulka France oo isbedel weyn ku sameeyay shaxdooda islamarkaana daafac bidix ka ciyaarsiiyay xiddigooda khadka dhexe Camavinga.

France ayaa gool laga diiday waqtigii dhimashada ciyaarta oo uu dhaliyay Griezmann iyadoo goolka loo diiday inuu offside ahaa.

Guusha Tunisia waxay noqotay hal bacaad lagu lisay madaama ay u baahnaayeen in Australia aysan natiijo ka keenin kulankii ay la ciyaareen Denmark.

Laakiin Australia ayaa 1-0 ku dubatay xulka Denmark iyagoo xaqiijistay inay u gudubeen wareega 16ka ee Koobka Adduunka iyadoo laacibkooda Leckie ayaa gool qurux badan uu jeed-jeediyay daafaca u dhaliyay.

Denkmark ayay rajo soo gashay dhamaadkii ciyaarta markii rigoore loo dhigay laakiin VAR ayaa diiday rigoorada iyagoo sheegay in offside uu ka horeeyay.

Guusha Australia ayaa la micno ah inay ku soo baxeen lix dhibcood laakiin waxay ku soo baxeen kaalinta labaad madaama France ay farqiga goolasha dheer tahay.

Tunisia oo noqotay xulkii Afrika ee ugu horeeyay ee ka hara Koobk Adduunka ayaa ku dhameysatay kaalinta 3aad iyagoo leh 4 dhibcood halka Denmark ay hooseyso Group D waxayna leeyihiin kaliya hal dhibic.

Faransiiska waxay wareega 16ka ku dhici doonaan xulkii kaalinta labaad uga soo baxa Group C halka Australia ay ku dhici doonto xulkii kaalinta 1aad uga soo baxa Group C.

Group C waa la isku dhegan yahay oo afarta kooxoodba rajo ayay qabaan. Poland ayaa 4 dhibcood ku hogaamineysa halka Argentina iyo Saudi Arabia ay leeyihiin min 3 dhibcood iyadoo Mexico ay dhibic leedahay.