Trump: weerarkii saaka lagu qaaday suuriya waxa uu ahaa mid wax ku ool ah

Maraykanka – (warsoor) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qorayay ” Howgalku si caqliyaysan ayaa loo fulayay”, ka dib markii ay saaka aroornimadii hore Mareykanka, Britiain iyo Faransiiska duqeeyeen goobaha malateriga ee dalka Suuriya.

waxay beegsadeen saddex goobood oo ku yaala dimishiq iyo xomus.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarrada ay ahaayeen kuwa wax ku ool ah.

Pentagon-ka ayaa weriyeyaasha u sheegay in qorshaha hubka kiimikada uu dib u dhac badan ku keenay suuriya, iyagoo sidoo kalana sheegay in howlgalka uu ahaa mid kooban oo wax ku ool ah.

Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlaya xilliga weerarku bilowdey ayaa sheegay in la bartilmaansadey goobaha gaarka ah ee ay yaalaan hubka wata kiimikada iyada oo lagaga jawaabayo weerarkii loo isticmaalay hubka sunta watey ee lagu qaadey magaada Duuma toddobaadkii aynu soo dhaafney.

Dhanka kale madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa si kulul uga jawaabay weerarka, isagoo sheegay laga bilaabo haatan uu il gaar ah ku eegi doono cadawgiisa uuna iska celin doono. Waxaa uu intaasi ku daray in ree galbeedku sharaftooda dhimatay.

 

Xigasho: BBC SOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.