Trump oo Mar Kale Qorsheynaya Inuu Ka Qayb-galo Doorasha Maraynkanka

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Donald Trump Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu markale u tartamayo xilka Madaxweynaha Mareykanka Doorashada 2024-ka.

Donald Trump ayaa lagu xasuustaa isku dayadii uu ku foodeeyay Doorashadii isaga lagaga adkaaday ee uu kala wareegay Biden, iyadoo xitaa uu diiday in uu xilka wareejiyo balse sharciga lagaga adkaaday.

Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa tallaabooyin waa weyn oo uu qaaday intii uu Kursiga joogay kuwaas oo hadal heyn iyo saameyn ka abuuray caalamka, oo ay kamid ahayd joojinta Soo galootiga Mareykanka iyo arrimo kale.